Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia oo la Wareegay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

0
Friday July 24, 2015 - 18:54:31 in by Burco Office
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia oo la Wareegay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

    Ciidanka Isbahaysanaya ee dowladda Somalia & kuwa AMISOM ee Gacanta siinaya ayaa Gudaha u galay Saakay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ka talinaysay Al-shabaab muddo lix sano ka badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Isbahaysanaya ee dowladda Somalia & kuwa AMISOM ee Gacanta siinaya ayaa Gudaha u galay Saakay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ka talinaysay Al-shabaab muddo lix sano ka badan.


Xoogagii Al-shabaab ayaa shalay isaga baxay degmada Diinsoor, iyadoo ciidanka huwanta ay xalay ku hoydeen duleedka degmadaas, iyagoo ku kallahay saakay aroortii hore, iyagoo aan la kulmin wax iska cabin ah oo kaga timid Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay galeen saaka degmadaas oo ka mid ahayd degmooyinkii ay Al-shabaab ka talinaysay.

Degmada Diinsoor oo 120-km u jirta degmada Baydhabo ayaa gabi ahaan dadkii ku noolaa ay isaga barakaceen, kaddib markii ciidamadad dowladda FS iyo kuwa AMISOM ee iskaasbanaya ay u dhaqaaqaaqeen degmadaas.

Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa iska-caabinnokala kulmay Al-shabaab markii ay ku wajahnaayeen degmadaas, inkastoo aysan ka hadlin ciidamadu khasaaraha kasoo gaaray weerarradaas.

Magaaladan ayaa noqonaysa magaaladii labaad oo ay ciidamada dowladda FS iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al-shabaab Muddo 48-saacadood gudahood ah, kaddib markii maalin ka hor ay la wareegeen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Contact@afkashacabka.com