Jawiga Magaalada Nairobi oo is bedelay kadib Markii Obama Gaadhay Halkaas iyo Obama Ayeydii kula kulmaysa Nairobi+SAWIRO

0
Saturday July 25, 2015 - 09:07:03 in by salman abdi
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawiga Magaalada Nairobi oo is bedelay kadib Markii Obama Gaadhay Halkaas iyo Obama Ayeydii kula kulmaysa Nairobi+SAWIRO

    Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay fiidkii ka degay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo uga bilaabaneyso booqasho qaadanaysa saddex maalmood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay fiidkii ka degay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo uga bilaabaneyso booqasho qaadanaysa saddex maalmood.


obama 15

obama 16

obama 17

oba 18

obam 20

??????????????????

Diyaarada siday Madaxweyne Obama ee Airforce One ayaa soo caga dhigatay garoonka abaare 08:02 saacada geeska Afrika. Madaxweyne Obama ayaa markii uu ka soo degay diyaarada waxaa uu ubax gudoonsiisay gabar yar oo Kenyan ah, iyadoo kadib uu gacan qaaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Mas’uuliyiinta kale ee Kenyanka.
Obama ayaa aad u dhoola cadeynayay, ammaanka garoonka ayaa waxaa sugaya ciidamo gaar ah, iyadoo baabuurkiisa qaaska ah ee aan xabadaha karin uu garoonka ku sugnaa, waxaana uu raacay gaadhiga. Garoonka diyaaradaha ayaa ammaankiisa loo adkeeyay, waxaana ku sugnaa ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka Madaxweynaha Mareykanka.
Obama oo uu aabihii ka soo jeedo Kenya ayaa waxaa uu sanadkii 2006 uu tagay isagoo Sentator ahaa, waxaana xilligaas lagu soo dhoweeyay dharka dhaqan Soomaalida oo uu xidhay.

Sidoo kale Magaalada Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya ayaa maanta ah mid is badashay Gabi ahaan waxaa xidhan Goobihii Ganacsiga waxaa laxayiray inta badan Jidadkii waawaynaa ee magaalada, waxaana Joog saday isu socodkii dhinaca Gaadiidka marka laga reebo Gaadiidka gaarka ah ee la Ogol yahay.

obama waleesheed

obama kkk

obama 22

obam 23

 

kenyaT

oma 24

Townka magaalada waxaa Qulqulaya kumanaan kun oo shacab ah waxaana meel kaste Taagan noocyada kala duwan ee ciidamada Amaanka, kuwaasi oo si feejigan ula socda dhaq dhaqaaqa Kumanaanka shacabka ah oo intooda badan dhan u wada Jeeda.Wajiyada dadka waxaa kamuuqata Farxad iyo Bara riyaaq aan laqiyaasi karin waxayna wataan Calamo iyo caleema Qoyan hadana way isu Hambalyaynaayaan oo waxaad moodaa inay Joogaan maalin Ciid ah, kooxdii is Haleeshana waxay wada Qaadayaan Heeso ay Jidka dhexdiisa Dance iyo Niiko ku QabsanayaanWaxaan oo dhan waxaa loo samaynayaa waa soo dhowaynta madaxwaynaha Wadanka Maraykanka Brack Obama oo shacabka Kenya ay aaminsan yihiin in uu Gurigiisii Rasmiga ahaa ama dalkiisii rasmiga ahaa dib ugu soo Laabtay, Erayada ugu badan ee ku Qoran boodhadka ay dadku wataan ayaa ah "Obama wuxuu yimi Gurigiisi”
Dhanka kale xaflad lagu soo dhawaynaya habeenkii xalay ahaa ayaa waxa uu ku qaabilay xubnaha qoyskiisa oo uu dhexda u galay xubnaha qoyskiisa oo ay ka mid ahaayeen ayaydii ,iyo walaashii.