War Deg Deg Ah:Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
Saturday July 25, 2015 - 18:35:33 in by Burco Office
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

    Muqdisho(AFKA)Xildhibaan, C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa Goor-dhow lagu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Xildhibaan, C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa Goor-dhow lagu dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.


Kooxo hubeysan ayaa dilay Xildhibaanka, kuwaasoo baxsaday, iyadoo xilka loo dhaariyay inta lagu jiro kal-fadhiyan lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii Aabbihiis Xuseen Bantu oo xildhibaan ahaa uu ku geeriyooday Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka xildhibaanka, balse inta badan dilalka loo geystay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa sheegata Xarakada Al-shabaab.

Dableyda dilka Xildhibaanka Geystay ayaa la sheegay inay wateen gaari markii dilku uu dhacayna ay goobta ka baxsadeen, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, iyadoo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli wax war ah kasoo saarin dilka xildhinaankan.

Sidoo kale, dilka Mudanahan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saaka ku toogteen degmada Dharkeynley Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska RW Somalia. 


Ayaanle Xasan Saleebana 

Muqdisho/Office

Afkahsacabka.com
Contact@afkashacabka.com