Masuul ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo Hargeysa Lagu xidhay

0
Sunday July 26, 2015 - 10:20:58 in by salman abdi
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo Hargeysa Lagu xidhay

    Somaliland ayaan shuruucdeedu ogolayn in Siyaasiyiinta iyo ragga xilalka ka haya Somalia yimaadaan Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaan shuruucdeedu ogolayn in Siyaasiyiinta iyo ragga xilalka ka haya Somalia yimaadaan Somaliland,

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maamul-goboleedka Puntland Axmed Cabdi Cali Shire(Axmed-keyse), ayaa Magaalada Hargeysa lagu xidhay, sida ay saraakiil sare oo Laanta Socdaalka katirsan u xaqiijiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Dalka.

Agaasimaha, ayaa hutel uu hurdo ahaan ugu jirey lagala baxay, kadib markii laga war helay inuu si qarsoodi ah waddanka kusoo galay, iyadoo haatanna wararku sheegayaan inuu ku xidhan yahay Xarunta Dembe-baadhista ee C.I.D-da.

9ce96f7be47d5c98c851aaca8ed0c6a6_L

 

Axmed Keyse Cali, agaasimaha waxbarashada Puntland ayaa la sheegayaa inuu howlo shaqo u joogay magaalada Hargeysa iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha dhabta ah ee uu u yimi Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha uu maalmahan ku sugnaa magaalada, waxaana hotelkiisa isagoo ku sugan lagu helay bastoolad uu isku waardiyeynayay laakiin ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen lana Geeyey xarumaha Dembi baadhista.


Agaasimaha guud wasaarada waxbarashada Puntland ayaa kasoo jeeda gobolka Sool waxaana loo badinayaa in shaqsiyaad ay isku deegaan yihiin oo xukuumadda ku jiraa ay xogtiisa Gudbiyeen.


Somaliland ayaan shuruucdeedu ogolayn in Siyaasiyiinta iyo ragga xilalka ka haya Somalia yimaadaan Somaliland, waxaana loo aanaynayaa in sababtaasi loo xidhay masuulkan Puntland ka tirsan