Ma Dhaqtar Baa Qabyaalda U Qoray ?! W/Q: Mukhtar Mohamed mahamud

0
Monday July 27, 2015 - 10:17:27 in by salman abdi
  • Visits: 1910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhaqtar Baa Qabyaalda U Qoray ?! W/Q: Mukhtar Mohamed mahamud

    Odoy maskax badnan oo hindidi maraykan ka laga xaalifiyay ka mid ah ah aya inan uu awoow u yahay la dardaarmay Wuxu yidhi awoow dadka wax ku loolama ama ku dheX nool labo arimod....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odoy maskax badnan oo hindidi maraykan ka laga xaalifiyay ka mid ah ah aya inan uu awoow u yahay la dardaarmay Wuxu yidhi awoow dadka wax ku loolama ama ku dheX nool labo arimod....


Midi waa xumaan. Waa xin, xaasidnimo, xaqirid, masayr, cadho, shalayto, quus, isla-wayni, been iyo kibir._____Midka kalana waa wanaag Waa farxad, nabad, jacayl, rajo, run sheeg, bani aadninimo, naxariis, garab-raaricin iyo dabacsanaan. ___Wiilkii yaraa hal cabbaara intuu fakeray buu awoowgii ku yidhi ‘Labadooda keebaa awoow guulaysanaya?’
Awoowgii wuxuu yidhi ‘Midka aad quudiso’ __Haa waxaan uuga dan leeyahay qofka bani aadamka ah waxaa ku dhexjira intaa aan soo sheegnay kuu isagu noqonayaana isagaa  dooranaya wll keeebaad dooran layd 
hadad ta hore doorato wad guulaysatay hadii tadanbe  e dooratana waad hoogtay ood ba,day

 

Waa maxay QABYAALADU ?

Qabyaaladu waa hab Somalidu cadeeysatay oo ay mudo dheer ku soo dhaqmayeen kaas oo lagu amaanaayo qoys ama qabiil, qabiil kalana lagu yasaayo laguna caayaayo oo lagu fogeeynaayo. Marka qabyaalada la’oogaayo waa marka larabo in qolo kale la dulmiyo laguna hamiyo jiritaanka qabiilka aad tahay oo qudha lagana diriro jiritaanka bulshada inteeda kale. Qofku malaha mabda uu isagu rumaysanyahay inay sax tahay iyo nadaam bulsho oo kale midna ee wixii qabiil kiisa  ka soo fula ayuunbuu sax u arkaa waxa umada kalena qalad.

Dhibaatooyinka ay arintaasi abuurto waa dhibaato aad u weyn waxana kamida arimahan soo socda:

  • Bulshada oo noqota umad dulmi iyo darxumo ku noolaata waligeed.
  • Jaahilnimada oo noqota mid lagu faano.
  • Xaqa & Cadaalda oo noqota in daciifnimo loo arko.
  • Bulshada oo aan waligood is aaminin shakina kala qabta markasta.
  • Danta guud iyo Dawladnimada oon waligeed si daacada loogu heshiin, qofkastaana diido cidii madax loo doorto hadii anu qabiilkiisa ahayn, kuna diido qabiilkiisa awgii, iyadoo laga yaabo ka reer kooda ah ee uu jagada larabo in uu yahay mid aan xilka loo dhiibayo u qalmin.
  • Marka ay dorasho noqoto in qofku dantiisa ilaawo oo uu ka fikiro dan qof kale oon waxaba ka quseyn dorashadana qof qabiil ku doorto halkaasna dantiisii iyo xornimadiisii ku waayo.
  • Hogaamiyaha dalka loo doorto & Masuuliyiinta kalaba inay waxay doonaan oo xumaan ah, sameeyaan cidna ka baqiwaayaan illayn waa umad qabyaaladi qaybisay oo awoodi iyo sharaftiiba ka qaadaye.

 

Hadaba qabyaaladu waa isxaqirid, isdulmin, iyo sharciga islaamka oo lajabiyo taasina waa xaaraan cad oo cidii sidaas u dhaqanta ama ku fikirta uu ifka dulmi iyo duli ku noolaanayo akhirana cadaabta jahanama tagaayo siduu ilahay inoo sheegay. Allahna (SW) wuxu inoo sheegay in umada muslimiinta ahi ay dhamaan walaalo yihiin, markaas dad isku qabiila oo wada dhashayna hadalkoodaba daa.

Akhristow miyaad qodobada xaga sare ku qoran & kumanaan kale oo aanan halkan ku soo koobi karin igu diidantahay? Waxaan aamin sanahay inay jawaabtu tahay maya. Hadaba marka aynnu ogsoonahay waxa dawladnimadeena iyo horumarka dalkeena hortaagani inuu yahay qabyaaladda iyo qabiillaysiga uu qof walba iyo qabiil walba wax ku doonaayo ay tahay, ee inaga oo wadaniyiintii wadanka iska lahayd ah, maxaa sababay in kolba ka madax weynaha aynu u doorano uu inoo khiyaameeyaa? ee hantidada umada oo dhami ka gaajoonayso uu siduu doono ugu tagrifalaa? ama inanka yar ee aynu xafiiska cashuuraha ama meel illaha dhaqaalaha ah u dhiibanaa uu xaqeena u lunsadaa? ma iswaydiiseen su'aalahan? mise waxaabad tahay ka aan ka sheekaynaayo?.

 

W/Q: Mukhtar Mohamed mahamud

STUDENT: Sociology And Social Work at Admas University