Maxaa Ka Dhalan kara Haddii Somaliland la ictiraafo????

0
Tuesday April 15, 2014 - 18:03:37 in by Super Admin
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Dhalan kara Haddii Somaliland la ictiraafo????

    cigaal oo adeegsanaya xirfadiisa siyaasadeed somalilandnimada oo ku dheerayd iyo oday dhaqameedyada ayaa waxa u si hufan wadanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

cigaal oo adeegsanaya xirfadiisa siyaasadeed somalilandnimada oo ku dheerayd iyo oday dhaqameedyada ayaa waxa u si hufan wadanka



ida aynu lasocono geedi socd dheer Ayey soo martay somaliland Marka laga bilaabo madaxweynihii ugu horeeyay ilahay haw naxariistee cabdiraxman tuur (h/yoonis) oo isaga aynu odhan karno wakhtigiisu Wuxu ku aadanaa wakhti xaalad adagi wadanka ka jirto ama laga soo kabsaday dagaalo iyo duruufo jira awgeed, Run ahaantii waxaynu ku tilmaami karnaa siyaasi dulqaad culus u muujiyey dhabarkana dhaartay wakhti gaas Intii tamartiisa ahayd Mudane abdirahman waxaynu odhan karnaa waxa ka go'nayd Ama mawqifkiisu ahaa soomaalimo sidii markii u danbeysay ba siyaasigu u cadaystay una boqoolay mogadishu si uu halka uga Sii wato ka midha dhalinta mawqifkiisa siyaasadeed ee ku dheehan somaalinimada , arintaas oo ahayd mid aad ugu kala fogaadeen asxaab badan oo wakhti dheer ay loolankii Snm ay isku maskax ahaayeen, Hadaba waxaynu odhan karnaa abdirahman wuu ku guul dareystay arintaas. Waxa maamulka Somaliand la wareegay oo run ahaantii lagu tilmaami karaa aabaha somaliland waa president Igal (H/awal) u runtii ka cagta u dhigay somaliland waxyaabo badan oo lataaban karona qabtay wakhti gaaban asaga oo maamulka haya waxa wadanka somaliland ka dhacay kaldaacii dagaalkii sokeeye ee run ahaantii aynu odhan karno wuxuu ahaa dagaal qasaaro badan iyo kala qayb sanaan ka dhaliyay wadanka, halkaas oo ay ka bilaabatay kala qayb sananta siyaasadeed ee Qabiil qabiilka oo aynu odhan karno ilaa maanta inay ka taagan tahay wadanka, cigaal oo adeegsanaya xirfadiisa siyaasadeed somalilandnimada oo ku dheerayd iyo oday dhaqameedyada ayaa waxa u si hufan wadanka uga saaray xaaladaas soo food saartay, dagaalkaas oo aynu ku tilmaami karno inay ka danbeeyeen qaar kamida mujahidiintii mayalka adkayd ee Snm oo adeegsanaya media iyo qaab qabiilnimo. Mudane cigaal isagoon dheg jalaq u siin waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley horumarinta wadanka iyo walaalaynta ummada ku dhaqan guud ahaanba somaliland. Intuusan dhiman ka hor Waxa wadanka ka hirgalay xisbiyada siyaasadeed oo runtii aynu ku tilmaami karno democracygii ugu horaysay ee wadanka ka Hana qaaday amaana wadanka usoo jiiday. Cigaal waxa ka muuqatay wadaninimo waxad ka dareemi karta dardaaranadii u kategay intuusan dhiman kahor . Waxa halka ka amba qaaday Mudane mr president Riyaale (G/biisri) oo ku taagan dariiqadii hanaan socodka somaliland. Waxa wadanka ka dhacday doorasho cajaayiba oo guud ahaanba caalamka indhahooda soo jiidatay Laguna tilmaami mid aan wadamada afrikan ah looga baran, Riyaale oo arinta halka kasii wada waxa bilaabmay kala furfuran iyo dagaalo ka dhaca qaybaha beriga ee dalka somaliland tusaale ahaan laascaanod Riyaale waxa caqabad ku noqday markale mujaahidiinta Snm oo ku tilmaamey maamul kiisa mid aan horumar lahayn, hanjabaad iyo dagaal lagu dhawaaqo ayay gaadhay, Riyaale Wuxu markale madaxa u ritay xilkasnimo iyo xeerin dhaqankii aabaha somaliland waxanu ku guuleystay in uu wadanka markale ku simo doorasho xaqa, waxanu dhaxlay magac iyo maamuus guud ahaanba aduunka laga qadariyo sida sharafta mudan ee uu xilka u wareejiyey waxan odhankarna Riyaale waa halyey mudan in la maamuusoo taariikhda ayana wax badan taaban doonta. Ugu danbeynta waxa maamulka la wareegay

Mudane mr president Siilaanyo chairman of Snm (H/jeclo) oo ah the current president of somaliland ruug cadaa siyaasada in badan kusoo jiray xilalna kasoo qabtay maamuladii hore ee somaliland ama soomaliyaba waxan odhan karnaa waxa uu gacanta ku dhigay wadan dhamaystiran oo u baahan wax halka kasii amba qaado una raadiyo aqoonsi. Siilaanyo oo adeegsanaya xirfadiisa siyaasadeed Wuxu wadanka ka bilaabay kobcinta dhaqaalaha isago adeegsanaya Waji cusub oo aan looga baran siyaasada somaliland oo ah shaqaaleynta asxaabta aqoonta u leh siyaasada Ama horumarinta wadanka oo ku soocneyn Qabiil, Wuxu ka midha dhaliyay dhismaha wadanka bilicda wadooyinka , dhaqaalaha, iyo siyaasada arimaha dibada wadahadalada soomaaliya oo ku xidhan yahay aqoonsiga somaliland Hadaba waxaynu odhankarna waa markii ugu dhoweyd ee la aqoonsado wadanka laakiin Maxa laga dhaxli karaa hadii maamulkasta oo somaliland ka dhasha lagala hortago hanjabaad iyo dagaal oogayaal ay abuurayaan mujaahidiinta Snm qaar kamida oo eedeeya maamul kasta xata hadii Snm wadanka loo dhiibay Hadana weli ay jiraan xasilooni daro iyo cabsi dagaal oo wadanka mar kale ka dhacda, Hadaba akhristaw maxaad u malaynaysa in laga dhaxli karo somaliland oo la aqoonsado mase u malaynaysa in ay bedeli karto dhaliilaha Qabiil ee jira mase u malaynaysa in somaliland oo la aqoonsado ay keeni karto isku qab qabsasho maamul oon abuuri Kara dagaal aan xad lahayn !!!!



 

 

Abdikani Mohammad