KABTANKA KOOXDA LIVERPOOL STEVEN GERRARD WAA INAANU NORWICH U LA DHAQANAA SIDII AC MILAN 2005TII OO KALE

0
Wednesday April 16, 2014 - 12:36:27 in by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KABTANKA KOOXDA LIVERPOOL STEVEN GERRARD WAA INAANU NORWICH U LA DHAQANAA SIDII AC MILAN 2005TII OO KALE

    Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa kooxdiisa ku booriyay inay Norwich City u la ciyaaraan sidii kooxda adduunka ugu wanaagsan oo kale marka ay Axada kulmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa kooxdiisa ku booriyay inay Norwich City u la ciyaaraan sidii kooxda adduunka ugu wanaagsan oo kale marka ay Axada kulmaan.

Liverpool ayaa horyaalka ingiriiska ku hogaaminaysa 77 dhibcood iyadoo 2 dhibcood ka saraysa dhigeeda Chelsea halka ay Man City-na ka sarayso 7 dhibcood oo saafiya inkasta oo ay City haysato laba ciyaarood oo baaqiya.

 

Inkasta oo ay Norwich ku jirto kaalmaha hoose haddana hogaamiyaha Liverpool ayaa aaminsan inay tahay ciyaar aad u adag wuxuuna tusaale u soo qaatay ciyaartii ay finalka iskugu soo baxeen kooxda AC Milan sanadkii 2005 Markaas oo ay Liverpool ku guulaysatay horyaalka yurub.

 

 

 

Gerrard oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: "Ciyaarkastaa way weyn tahay waayo waxaanu ku sii dhawaanaynaa dhamaadkii xili ciyaareedka. Ciyaartii Man City waxay ahayd mid wayn laakiin hadda Norwich ayaa ah Man City waana ciyaar aad u wayn”

 

Liverpool ayaa badisay 10 ciyaarod oo isku xiga, waxayna haystaan record ah in aan laga badin sanadkan 2014 waxayna doonayaan inay soo gabagabeeyaan abaartii ka haysatay horyaal la’aanta kaas oo ay ugu danbaysay 1990kii, Waxaase hubaala in haddii Liverpool guulaysato 4 kulan ee u hadhay inay ku guulaysan doonto horyaalka Ingiriiska sanadkan






Afkashacabka/ Sports