Mourinho Iyo Wiilashiisa Oo Taago Culus Kala Kulmeen Naadiga Swansea City Kulan Stamford Bridge Dhibcaha Lagu Wadaagay!!

0
Sunday August 09, 2015 - 09:13:36 in by Burco Office
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Iyo Wiilashiisa Oo Taago Culus Kala Kulmeen Naadiga Swansea City Kulan Stamford Bridge Dhibcaha Lagu Wadaagay!!

    Kooxda Chelsea ayaa ku guul dareesatay inay guul ku bilaawd difaacashada Premiership-ka England xili cayaareedka cusub 2015/16 kadib markii ay bar bar dhac la gashay naadiga Swansea City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa ku guul dareesatay inay guul ku bilaawd difaacashada Premiership-ka England xili cayaareedka cusub 2015/16 kadib markii ay bar bar dhac la gashay naadiga Swansea City.

Kulankan xiisaha badan dhacdooyin kala duwan oo laga sheekeen doono ayaa laga dhexlay balse labadan naadi dhibacaha waxay ku wadaageen natiijo 2-2 ee kasoo baxday kulankii dhibka badnaa.

Kulankan waxaa hareeyay qaybtii labaad in kaarka cas loo taagay goolhayeThibaut Courtois oo qalad weyn galay qeybtii labaad.

Kooxda Chelsea kulanka furitaanka EPL waxay garoonkeeda Stamford ku qaabjishay naadiga Swansea City weliba kulankan wuxuu ahaa mid xiiso badan.

Kulankan si lama filaan ah macalin Jose Mourinho wuxuu ugu soo bilaabay Diego Costa oo mudo todobaad ah la il darnaa dhaawac dhanka muruqa ah uu ka qabay.

Mourinho sidoo kalena 11-ka xidig ee Chelsea ugu tayada wanaagsan sidoo kalena xili cayaareedkii hore EPL u qaadeen ayuu kusoo bilaabay asigoo hadafkiisa ahaa inuu xili hore naadiga Swansea City kala diro.

Oscar celebrates

Balse Chelsea waxay ku qaadatay daqiiqadii 22-aad inay hogaanka la wareegay waxaana kubad laad xor ah oo dhanka bidix kasoo tuuray hogaanka ugu dhiibay Oscar.

Laakiin saxiixa cusub ee Swansea City Andre Ayew ayaa 7-daqiiqo kadib cayaarta 1-1 ka dhigay weliba xidigan goolkan isaga ayaa ku dadaalay dhalintiisa.

Laakiin Swanse City waqti ay ku nastaan ma helin waxaana isla hal daqiiqo kadib u suura gashay Blues inay hogaanka iska wareegaan weliba Federico Fernandez oo Swansea City ka tirsan ayaa gool iska dhaliyay.

Qaybtii hore oo xamaasada aad u sareesay waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka Chelsea ku heesay sidoo kalena dadaal badan sameesay.

Balse markii la isku soo laabtay kooxda Swanse City ayaa dadaal dheeri ah iyo fir fircooni lama filaan ah la timid.

Balse daqiiqadii 53-aad ayay cayaarta waji kale yeelatay madaama Bafetimbi Gomis uu qalad muuqdo ka galay goolhaye Thibaut Courtois oo goosha kasoo baxay si uu kubad kaga bad baadiyo Gomis.

Laakiin nasiib daro Thibaut Courtois wuxuu jalaafay Gomis waxaana la siiyay karaka cas sidoo kalena Swanse rigoore ayaa loo dhigay.

Gomis ayaa gool u badalay rigooradii loo dhigay wuxuuna ka dhaliyay goolhaye Asmir Begovic oo badalay Oscar daqiiqadii 55-aad.

Swansea cayaarta ayay la wareegtay sidoo kalena 2-2 ayuu kulankan noqday halka Chelsea ay qabyaha dambe ee kulankan 10-cayaaryahan ku cayaareesay.

Macalin Mourinho ayaa garwaaqsaday in guuldaro ay kaga fiican tahay inuu hal dhibic helo sidaa darteed qaybihii dambe wuxuu badalu Fabregas asigoo soo galiyay Kurt Zouma.

Bafetimbi Gomis celebrates

Sidoo kalena Falcao ayuu soo galiyay Mourinho daqiiqadii 84-aad wuxuuna ku badalay Willian waxaa intaaas sii dheer in kulankan 4-daqiiqo lagu daray.

Waxayna labad koox u ahayd fursad ay goola guul ah ku dhalin karaan balse kulankan ayaa 2-2 kusoo idlaaday waqtigii loogu tala galay.

Kooxda Chelsea waxay difaacashada EPL ku bilaawday xili cayaareedkan inay bar bar dhac 2-2 garoonkeeda kula gasho naadiga Swansea City.

Kooxda Swansea City iyada waxay u ahayd markii ugu horeesay oo ay garoonka Stamford Bridge dhibic kasoo helaan sidoo kalena bilaaw wanaagsan ayay ku afbilaabeen EPL xili cayaareedkan 2015/16.