Hordhac: Arsenal v West Ham – Gunners Oo Emirates Ka Bilaabeysa Safarkii Ay Ku Hanan Lahaayeen Premier League Markii Ugu Horeysay Tan Iyo 2004.

0
Sunday August 09, 2015 - 09:24:18 in by Burco Office
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v West Ham – Gunners Oo Emirates Ka Bilaabeysa Safarkii Ay Ku Hanan Lahaayeen Premier League Markii Ugu Horeysay Tan Iyo 2004.

    Kulanka: Arsenal v West Ham United Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Arsenal v West Ham United Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson


Arsenal ayaa ka bilaabeysa Emirates Stadium maanta wadadii ay ku hanan laheyd koobkeedii ugu horeysay ee Premier League ee tan iyo 2004tii marka ay martigeliyaan kooxda West Ham United.

Kooxda West Ham oo uu hogaaminayo tababare cusub Slaven Bilic ayaa shaki la’aan leh hami ay bartilmaameedsaneyso laakiin guul lama filaan ah oo ay gaaraan waxa ay wadada u sii xaareysaa dhiirogelintooda inay tartamada Yurub u soo baxaan xilli ciyaareedka danbe.

MAXAA KA CUSUB?

Petr Cech ayaa ku dhow inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee kooxda Arsenal laakiin Jack Wilshere, Tomas Rosicky iyo Danny Welbeck ayaa kulanka galabta ku seegaya dhaawacyo.

Alexis Sanchez isagana lama filayo inuu ciyaaro madaama uu dib u soo helayo taam ahaanshihiisa isagoo fasax dheeraad ah ku maqnaa tan iyo markii uu xulkiisa ku hogaamiyay koobka Copa America, inkastoo laga yaabo inuu garoomada ku soo laabto 24ka bisha August.

Weeraryahanada West Ham Enner Valencia iyo Andy Carroll ayaa labadaba maqan sababo la xiriira dhaawacyo.

Xiddiga amaahda ku jooga West Ham Carl Jenkinson ayaan ka horimaan karin kooxda milkiyadiisa leh ee Arsenal galabta.

Pedro Obiang, Winston Reid iyo Matt Jarvis ayaa ku soo laabtay tababarka isbuucaan ka dib markii ay qabeen dhaawacyo yaryar, waxaana laga yaabaa inay ciyaaraan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal:Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Coquelin, Cazorla, Ramsey; Ozil, Oxlade-Chamberlain,Giroud.

West Ham:Adrian; O’Brien, Agbonna, Reid, Cresswell; Kouyate, Nobel, Obiang; Payet; Zarate, Sakho

MA OGTAHAY?

  • Arsenal ayaa badisay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ee ay la ciyaareen West Ham oo ay ku jirto sagaal kulan oo Premier League ah.
  • Kooxda Hammers ayaa Arsenal labada kulan ee xilli ciyaareedka ka badisay xilli ciyaareedkii 2006-07 laakiin tan iyo markaas guul kama aysan gaarin Arsenal 15 kulan oo horyaalka iyo koobabka maxaliga oo ay la ciyaareen.
  • Kooxda Arsenal ayaa la siiyay lix kaar casaan kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka Premier League, waana kooxda ugu casaanka badan isbuuca furitaanka Premier League.