WASIIRKA DHALINYARADA CIYAARAHA IYO DALXIISKA SOMALILAND OO XADHIGA KA JARAY XAFIIS CUSUB OO LAGU SOO KORDHIYAY WASARADA CIYARAHA.

0
Wednesday April 16, 2014 - 19:49:36 in by salman abdi
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA DHALINYARADA CIYAARAHA IYO DALXIISKA SOMALILAND OO XADHIGA KA JARAY XAFIIS CUSUB OO LAGU SOO KORDHIYAY WASARADA CIYARAHA.

    Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Dalxiiska somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo yeesheen guddida xidhiidhka iyo Olanbikada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Dalxiiska somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo yeesheen guddida xidhiidhka iyo Olanbikada.

Munaasibada loo sameeyey xadhig ka jarida Xafiiska cusub ee guddida xidhiidhka iyo Olanbikadaayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada Dhalinyarada Iyo Dalxiisk Somaliland Cali Siciid Raygal Agaasimaha Dhalinyarada iyo Dalxiiska somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye Xidhiidhada kala duwana iyo mari sharaf kale.


Ugu horen waxa munaasibadaas loo sameeyey xadhig ka jarida ka hadlay guddoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal)Waxaana uu amaan usoo jeediyey wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha ciyaaraha taas oo ku tilmaamay inta ay wasaarada

jogeen in ay ku talaab sadeen horumar lataaban karo.

 

Guddoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) Oo arimhaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi”

"Ugu horen waxaan si aad ah idiinku soo dhawaynayaa dhamaan madaxda qaranka ee uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo agaasimaha ciyaara xafiiskan cusub ee ay yeelatay guddida xidhiidhka olanbikada iyo xidhiidhka ciyaraaha,marka labaad waxaa si aad ah ugu faraxsanay in ay xafiisyadii guddida olanbikadu furmaan Maanta waxaana aan jecelay mar hadaanu furanay xafiisyadii inaanu shaqadayada maanta laga bilaabo diyaar ku ahaan doono xafiisyada,waxaanan leeyahay runtii waa talaabo aad u qurux badan oo laga sugayey wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland waxaanada moodaa 

Guddoomiyaha guddida Olanbikada oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”Maanta waxaanu leenahay guddida olanbikada iyo wasaarada ciyaaraha waxa ay noqon doonaan saaxiibo dhab ah sidii mararka qaar loo arki jiray bisad iyo jiir arinkaasna waa laga gudbay,maata laga bilaabana qola waliba waxa ay qabsan doontaa hawsha u taal anaguna hadaanu nahay xidhiidhka waxaanu leenahay waxqabadka wasaaraduna waxa ay leedahay boolasi si dhawna waanu u wada Shaqayn Doonaa.

Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha ciyaaraha fudud ee wasaarada ciyaraha iyo dalxiiska somaliland waxaana uu yidhi”


"Waxaan maanta aad iyo aad ugu farax sanahay in aynu maanta halkan u furno Xidhiidhada Kala Duwan iyo Maamulka Guddida olanbikada xafiisyadii ay ku shaqayn lahayeen kuna horumarin kubada cagta kubada fudud iyo kubada baaskidka Waxaanan ay ka mid tahay waxqabadka muuqada ee ay qabanayaa agaasimaha ciyaaraha iyo wasiirka ciyaarahu ,marka la arko xafiisyadan aynu u furnay guddida xidhiidhka iyo olan bikada waxa ay noqon doonaan meelo lagu soo hirto.

Sidoo kale waxa isn halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye Waxaana uu yidhi”


"Ujeedada ay maanta halka u furayno ee aynu xafiisyadan kalena u dhiiri galinayno waxa weeyaan sida aynu u dardar galin lahay xafiis yadeena fursadna u siin lahayn dhalinyarada reer somaliland sidii ay kartidooda iyo dadaal kooda kusoo bandhigaan inaga oo raacayna sida ay imika aduunyadu u shaqayso oo dalalka caalamka oo dhani ay leeyihiin xidhiidho iyo olan biko taas oo aha haay”addo heer qaran ah somaliland Football Fadareeshan waxa weeyaan xidhiidhka kubada Cagta ee uu qaran kani leeyahay olan bikaduna waa dalada Iyana madaxbanaan markaas waxaanu dadka reer somaliland ugu baaqaynaa iyo dadka kala duwanba ee tageera kubada am daawada iyo bulshada somaliland ciyaarahu maaha waxa ay dawlada somaliland oo kaliyi wadi karto oo ay ka shaqayn karto oo ay horu mari n karto maaha,bulshada somaliland oo dhan waxba kaga xidhan haday tahay ciyaaraha oo dhan waxaan loo baahan yahay taajir ganacsato iyo maal qabeenba in la tageero kubada.


Gabo gabadii waxa munaasibada soo xidhay wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dalxiiska somaliland Cali Siciid Raygal Waxaana uu sheegay”Runtii aad iyo aad Ayaan maanta ugu farax sanay in aynu maanta furanay Xafiiskii laga maamulayey xidhiidhka iyo olan bikadaba aad iyo aad ayaa ugu farax sanahay waxaana ay ka mid tahay waxqabadkeena iyo guulaha inoo soo hoyda Marka ugu horeeya ee aad doonayso inaad Shaqo hesho waxa lagaaga baahan yahay inaad hesho meel aad shaqadaas ka maamushid markaad heshidna meel aad ka maamushidna markaas shaqadi toos ayey u soconaysaa”soomaaliduna waxa ay tidhahaa weelku gunta ayaa uu ka tolmaa maanta laga bilaabana shaqadi wayn ino socon doontaa xafiiskuna waa inoo furan yahay maantana waxa aad loogu farxo ah inaad hesheen meeshii aan hawlahii shaqo ku maamulayseen.

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”In Badan Ayaa la igu odhan jiray xidhiidhadii goorma ayaad samaynaysaa waxa maanta dhamaan teenba inoo farxad ah in ay olan bikadu shaqay nayso xidhiidhaduna shaqay nayaan xafiskooduna furan yahay waxaana loo baahan yahay sidaas uu sheegay guddoomiyaha olan bikadu shaqooyinka nimaadka iyo dariiqooyinka aynu aynu samayne laga bilaabo maanta hadii xafiiskii loo furay dhalinyarada ciyaarta kubadahu xidhiidh kooda wada shaqayntoodii iyo ka war hayn tooduba waxa ay koobsan doontaa xidhiidhada iyo Guddida olanbikada dhalin yaradana waxaan leeyahay inta ciyaarta kubada cagta waa in ay ilaaliyaan anshax ciyaarta.

Afkashacabka.con
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com