Maamulka Madaarka Hargaysa Oo Hadlay Dab Dhawaan Ka Kacay Qaybo Ka Mid Ah Madaarka Hargaysa Iyo Baadhitaano La Waddo.

0
Wednesday April 16, 2014 - 20:18:02 in by salman abdi
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Madaarka Hargaysa Oo Hadlay Dab Dhawaan Ka Kacay Qaybo Ka Mid Ah Madaarka Hargaysa Iyo Baadhitaano La Waddo.

    Maamule Ku Xigeenka Koowaad Ee Madaarka Cigaal International Airport Ee Hargeysa Maxamed Xuseen Jaamac Ayaa Ka Hadlay Dab La Sheegay Inuu Dhawaan Ka Kacay Qayb Madaarka Ka Mid Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamule Ku Xigeenka Koowaad Ee Madaarka Cigaal International Airport Ee Hargeysa Maxamed Xuseen Jaamac Ayaa Ka Hadlay Dab La Sheegay Inuu Dhawaan Ka Kacay Qayb Madaarka Ka Mid Ah.

Maamule Ku Xigeenka Madaarka Cigaal Ayaa Sheegay In Dabkaasi Uu Ka Kacay Meel Banaan Oo Hada Dhisme Laga Wado, Isla Markaasna Aanu Haba Yaraatee Gaysan Wax Khasaare Ah, Baadhitaan Arintaas Ku Saabsana Ay Ciidmada Amaanku Wadaan.

Sidaasina Waxa Uu Maamule Ku Xigeen Maxamed Xuseen Jaamac, Ku Sheegay War-Saxaafadeed Uu Maanta Soo Saaray Kaas Oo U Dhignaa Sidan:-

" Maamulka Madaarka Cigaal International Airport Ee Caasimada Hargeysa Waxa Uu Bulshada Iyo Saxaafaddaba Halkan Uga Sheegayaa In 14/04/2014-Ka Uu Dab Aad U Koobani Ka Kacay Meel Aan Dhisme Ku Oolin, Oo U Dhaxaysa Terminalka Laga Dhoofo Iyo Terminalka Laga Soo Dago, Goobtaas Oo Dhawaan La Baneeyey Lagana Qorshaynayo In Laga Bilaabo Dhisme Cusub Oo Lagu Dari Doono Terminalka Laga Dhoofo.

Goobtani Oo Uu Hore Ugu Yaalay Kijin Cunada Loogu Diyaarin Jiray Makhaayada Madaarka Ku Dhex Taala, Ayaa La Baneeyey Todobaadkan Si Dhisme Looga Bilaabo.

Dabka Oo Qabsaday Looxaan Iyo Karaatoon Meesha Lagu Ururiyey, Ayaa Isla Markiiba Waaxda Dab Damiska Madaarka Oo Heegan Mar-Walba Ku Jirtaa Ay Isla Markiiba Ku Guulaysteen Inay Bakhtiiyaan Isaga Oo Aan Wax Dhisme Ah U Gudbin, Wax Khasaare Ahna Aan Gaysan Haba Yaraadee, Arinkaasi Wax Saamayn Ah Kuma Uu Yeelan Shaqada Iyo Duulimaadyada Madaarka Ka Socday.

Dabkani Waxa Loo Tuhunsan Yahay In La Shiday, Waxana Ciidamada Amaanku Ay Madaarka Ka Wadaan Baadhitaan Ku Saabsan Sida Uu Dabkani Ku Kacay Iyo Cida Ka Dambaysay, Sidoo Kalena Waxa Ay Ciidanku Tuhunkaasi U Xidheen Hal Qof Oo Ka Mid Ah Shaqaalaha Makhaayadaasi.

Anaga Oo Adeegsanayna Muuqaalada Ay Duubeen Kamarada CCTV-Ga Ee Xaga Amaanka Oo Ku Xidhan Qayb Wal Oo Madaarka Cigaal Airport Ka Mid Ah, Waxaanu Ku Kalsoonahay In Ciidamada Amaanku Ay Najiito Wanaagsan Ka Gaadhi Doonaan Baadhitaankaasi, Cidii Ku Lug Yeelata Ee Arintaasi Ay Ku Cadaatana Sharciga La Hor Gayn Doono.”



Afkashacabka.cpm
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com