Madaxwaynaha Somaliland Oo Shacabka Iyo Ciidamada Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Sarkaalkii Lagu Dilay Boorama .

0
Wednesday August 12, 2015 - 22:43:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Oo Shacabka Iyo Ciidamada Qaranka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Sarkaalkii Lagu Dilay Boorama .

    Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Tacsi tiiranyo leh gaadhsiiyay Ciidamada Qaranka ,iyo guud ahaan bulshada somaliland geerida Alle haunaxariistee Xidigle Marxuum Faarax Caraale oo malintii shalay ku geeriyoday Magalada Hargaysa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Tacsi tiiranyo leh gaadhsiiyay Ciidamada Qaranka ,iyo guud ahaan bulshada somaliland geerida Alle haunaxariistee Xidigle Marxuum Faarax Caraale oo malintii shalay ku geeriyoday Magalada Hargaysa .

War-saxafadeed kooban oo uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay u dhignayd sidan :-

"Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaranka gaar ahaan ciidanka Militeriga oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid alle ha u naxariistee Xidigle Marxuum Faarax Caraale Waabari oo 11/08/2015, (shalay) u geeriyooday toogasho uu u geystay mid ka mida ciidanka qaranka, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay taliyihii aaga galbeedka gaashaanle sare Xasan Caaqil oo hada lagu daawaynaayo Cusbitaal kuyaal Jabuuti, madaxweynuhuna waxa uu alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo sarkaalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.