Layaabka Maanta:Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM Oo Dilay Gabar Ay Saaxiibo Ahaayeen Isaguna is-dilay

0
Thursday August 13, 2015 - 18:17:48 in by Burco Office
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Maanta:Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM Oo Dilay Gabar Ay Saaxiibo Ahaayeen Isaguna is-dilay

    Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Axadii lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho Muqdisho Gabar Askariyad ah oo ayaa saxiib ahaayeen, isagoo markii dambena is-dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Axadii lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho Muqdisho Gabar Askariyad ah oo ayaa saxiib ahaayeen, isagoo markii dambena is-dilay

Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Axadii lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho Muqdisho Gabar Askariyad ah oo 

Wargeyska Daily Monitor oo kasoo baxa dalka Uganda ayaa qoray in Lt. Aaron Kitakure uu is-dilay markii uu toogtay Gabar uu Xiriir kala dhaxeeyay oo ka mid ahayd ciidamada AMISOM eek a howlgala Muqdisho.

Gabadha la dilay iyo Sarkaalka is-dilay ayaa labaduba waxay ka tirsanayeen ciidamada AMISOM, sida uu qoray Wargeyska. Iyadoo sarkaalka uu muddo ka tirsanaa ciidamada Uganda eek a tirsan AMISOM.

Sidoo kale, wargeyska ma uusan sheegin xerada uu dilkan ka dhacay, balse Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegay in Xero ku taalla Muqdisho uu dilkan ka dhacay.

Afhayeenka Ciidamada Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa Xaqiijiyay dhacaddan, isagoo xusay in labo ka mid ah Saraakiishooda ay geeriyoodeen, wuxuuse ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan bixiyo.

"Waa run labo ka mid ah Askarteenna Somalia ka Howlgala ayaa geeriyooday, waana baaraynaa falkan, ma ku siin karo faahfaahin intaas ka badan,” ayuu Col. Ankunda u sheegay Wargeyska Daily Monitor.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa dhawaan Askar ka tirsan ciidamada Uganda oo kusii jeeday Somalia uga digay inay xiriir la sameeyaan Haweenka Soomaalida ah. Wuxuuna sidoo kale Haweenka Askarta AMISOM ka tirsan ugu baaqay inay ka digtoonaadaan inay xiriirro la sameeyaan ragga Soomaalida ah.

Ugu dambeyn falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho oo ay isku geystaan Askar ka tirsan ciidamada AMISOM, lamana oga illaa hadda wuxuu askarigan ku dilay Askariyadda ay Saaxiibka ahaayeen.