Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliya Ee Maanta Oo lagu Soo Qaaday Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

0
Thursday August 13, 2015 - 19:05:03 in by Burco Office
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliya Ee Maanta Oo lagu Soo Qaaday Mooshinka laga keenay Madaxweynaha

    Muqdisho(AFKA)Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliaee maanta ayaa looga dooday Xaaladda Siyaasadeed iyo midda Amni ee Dalka; iyagoo sidoo kale kaga hadlay Mooshinkaka Dhanka ah Madaxweyaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ay wadaan xildhibaanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliaee maanta ayaa looga dooday Xaaladda Siyaasadeed iyo midda Amni ee Dalka; iyagoo sidoo kale kaga hadlay Mooshinkaka Dhanka ah Madaxweyaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa waxay dareen ka Muujiyay Mooshinka ay Wadaan ah Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somalia, iyagoo Tallaabadaas u arkay inay si weyn u Dhantaaleyso Howlaha Dowladda.

Golaha Wasiirradu, Waxay Shirkooda Maanta kasoo Saareen Qodobbadan;

1.Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.
2.Xasilloonida Siyaasadeed ee ay XFS ku dhawaaqday markii la ansixiyey.
3.Horumarkii laga sameeyey Hiigsiga 2016-ka, Gaar ahaan Taabba-gelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.
4.Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
5.Kobaca dhaqaale ee dalka.


Sidoo kale, Golaha Wasiirradu Waxay Hoosta ka Xarriiqeen in Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan Arrimaha la xiriira Wadiiqada Wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay.

"Xubnaha Golaha Wasiirradu Somalia Waxay Aaminsan yihiin in Muhiimaddu tahay sii Socoshada Wada-shaqaynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Arrimaha la Xiriira Masiirka dalka,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed shirkii golaha Wasiirada laga soo saaray.

Ugu dambeyn, Waxaa Qoraalka Golaha Wasiirrada lagu xusay in Goluhu markii uu arkay Mooshinka ka Dhanka ah Madaxweynaha Somalia uu u soo Jeedinayay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya in loo baahan yahay in si Waajir ah looga Gudbo Xilliga Kala guurka ah ee 2016-ka iyo inaan mar kale la sameyn Khaladaadkii horay loo sameyn jiray xilliga dhammaadka Muddada Dowladda ee Dastuuriga ah.