Guddomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa ku Booqday Dhalinyaro ku dhaawacmay Rasaas Boolisku ku fureen, Baaqna u diray Xukumadda

0
Friday August 14, 2015 - 14:05:12 in by Hargeysa Office
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa ku Booqday Dhalinyaro ku dhaawacmay Rasaas Boolisku ku fureen, Baaqna u diray Xukumadda

    Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilllaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shalay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilllaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shalay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday

dad dhallinyaro u badan oo isku qoys ah, kuwaas oo ku dhaawacmay tacshiirad ciidamada boolisku ku rideen xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo uu ka socday dhisme lagu muransan yahay.

 

Guddoomiye Cirro, ayaa dhaawacyada intooda ladan ka wareystay xaaladdooda Caafimaad, isaga oo ILAAHAY uga baryey inuu siiyo caafimaad deg-deg ah, halka uu ILAAHAY inuu u naxariisto ugu duceeyay wiil ku dhintay shaqaaqada ay ku dhaawacmeen dhallinyarada uu Cisbitaalka ku booqday.

Guddoomiyaha oo booqashadaasi ka dib, la hadlay saxaafadda ayaa yidhi "Waxaanu Cisbitaalka ku booqanay afar dhallinyaro ah oo ku dhaawacmay dhul ku yaalla Hargeysa iyaga oo aan hubeysnayn, wiilkii dhinteyna ILAAHAY ha u naxariisto, dadkana dhaawaca ah waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad sareecana siiyo, inaguna aynu u duceyno..”

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xukuumadda iyo ciidamada ammaanka ugu baaqey in la dhowro shacabka aan hubaysnayn "Xukuumadda iyo booliska waxaanu ugu digeynaa in dadka aan hubeysnayn rasaas lagu rido, waana in la dhowro” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu mushkilad qaran ku sifeeyay murannada ka taagan mulkiyadda dhulka "Arrimaha dhulku waa mushkilad qaran ee waa in aad loo xallilo, shacabkana waxaanu leenahay mushkiladda dhulka sharciga ha loo raaco…” 



Contact@afkashacabka.com