Khilaafkii ugu Xooggana ee ka dhex qarxa masuliyinta ugu sarraysa Xisbiga WADANI oo soo if baxay iyo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu haysto guddomiye cirro

0
Friday August 14, 2015 - 14:46:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii ugu Xooggana ee ka dhex qarxa masuliyinta ugu sarraysa Xisbiga WADANI oo soo if baxay iyo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu haysto guddomiye cirro

    Sida uu Daabacay Wargeysa Waaheen waxa khilaafkii ugu xoogaana ka dhex qarxay madaxda ugu sarraysa xisbiga WADANI kaasoo ka dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu Daabacay Wargeysa Waaheen waxa khilaafkii ugu xoogaana ka dhex qarxay madaxda ugu sarraysa xisbiga WADANI kaasoo ka dhashay

Kaddib Markii Guddoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga Waddani Mr. Axmed Muumin Seed Uu Ku War Helay Heshiis Qarsoodi Ah Oo Uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mr. Cabdiraxmaan Cirro La Galay Odayaasha Iyo Siyaasiyiin Reer Awdal Ah, Kaas Oo Ay Ku Heshiiyeen In Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeen Ee Xisbiga Waddani Laga Dhigo Siyaasi Kale Oo Aan Ahayn Axmed Muumin Seed, Isla Markaana Ay Reer Awdal Iska Soo Dhex Xulaan, Si Loogu Ansixiyo Shirweynaha Xisbiga Waddani Ee Soo Socda Iyo Shirka Golaha Dhexe Oo La Filaayo In Uu Qabsoomo Dhawaan.

Ugu Yaraan Saddex Siyaasi Ayaa Midba Dhankiisa Ula Heshiiyey Guddoomiye Cirro In Uu Ka Dhigo Madaxweyne Ku-Xigeenka Xisbiga Waddani, Iyada Oo A Taasina Keentay Ismaan Dhaaf Iyo Khilaaf Sababay In Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Waddani U Kala Jabo Laba Garab Oo Xisbiga Ka Dhex Samaysmay, Arrintaas Oo Haatan Uun Soo Ifbaxday.
Guddoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi MR. Maxamed Cabdillaahi Uur-Cadde ayaa isku dhan Noqday iyaga Dabayaaqadii Todobaadkii Hore Guddoomiye Cirro u Diray Warqad ay kaga Codsadeen inuu ka laabto isla markaana uu joojiyo Heshiisyada Qarsoodiga ah ee uu la gelaayo Odayaasha Reer Awdal iyo Siyaasiyiinta Taageersan Xisbiga Waddani ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, balse waxa la sheegay inuu Guddoomiye Cirro ugu jawaabay Ku-Xigeenkiisa in aanu ka noqonayn heshiiska uu la galay Odayaasha, Isaga oo Axmed Muumin seed ugu Bushaareeyey in uu Nasiibkiisa ka qaado Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, , Taasina ay Cadho Xooggan ku abuurtay Guddoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi, iyada oo Uu Warku Intaasi Ku daraayo in Maalintii Shalay Si Toos Ah Xarunta Xisbiga looga dareemay khilaafka Ba’an Ee Ka Dhex Bilaamay Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Waddani, Kaas Oo U Muuqda Mid Muddo Dheer Huursanaa Oo Hadda Uun Dibedda U Soo Baxay.
Isku Soo Wada Duuboo Waxa Weli Laga Dhursugaya Halka Uu Khilaafkaasi Labada Garab Ku Dambayn Doono Iyo Cidda Midhaha Ka Gurata Ee Ay Guushu Raacdo.
Xisbiga Waddani Ayaa Ah Xisbi Weli ku Cusub Saaxada Siyaasadda Somaliland, Marka Laga Reebo Guddoomiyaha Xisbigaasi Mr. Cirro Oo Isagu Muddo Toban Sanno Ah Ka Dhex Muuqdey Siyaasadda Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ee Muddo Kordhinta Ku Fadhiya Aqalka Baarlamaanka Somaliland, Balse Siyaasiyiinta Kale Ee Ku Jira Xisbiga Waddani Ayaa Intooda Badani Ay Yihiin Kuwo Haatan Ay Bar Bilaw U Tahay Nidaamka Siyaasaddeed Ee Somaliland, Halka Inta Ugu Tunka Weynina Tahay Qaar Laga Soo Caydhiyey Xilalkii Ay Ka Hayeen Xukuumadda Haatan Tallada Dalka Somaliland Gacanta Ku Haysa Ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Isla Markaana Xisbiga Waddani U Doortay Inay U Miciinsadaan Oo Ay Kaga Aar-Goostaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiga Kulmiye Ee Ay Hore Uga Tirsanaan Jireen.



Xigasho Waaheen .com