Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo shirkaddaha Isgaadhsiinta ku Amartay in Website-ka Haatuf ka jaraan Internet-ka

0
Thursday April 17, 2014 - 09:24:45 in by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo shirkaddaha Isgaadhsiinta ku Amartay in Website-ka Haatuf ka jaraan Internet-ka

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysa Dacwada ka dhanka ah wargeyska Haatuf ayaa la sheegay in ay shalay u qaybisay shirkaddaha Isgaadhsiinta Qoraal ay ku amrayso in ay ka jaraan website-ka Haatuf Internetka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo gacanta ku haysa Dacwada ka dhanka ah wargeyska Haatuf ayaa la sheegay in ay shalay u qaybisay shirkaddaha Isgaadhsiinta Qoraal ay ku amrayso in ay ka jaraan website-ka Haatuf Internetka.


Talaabadan ayaa haddii ay shirkadduhu fuliyaan suurtagal ka dhigaysa in aan la akhrisan Karin wararka iyo Macluumaadka Mareegta Haatuf, waxaanay hore sidan oo kale Maxkamaddu Madbacadaha Dalka u amartay in aanay daabicin Wargeyska.

Talaabadan ayaa Guud ahaan saamayn taban ku yeelan doonta Mareegaha Somaliland, isla markaana dhiirigalinaysa in Mareeg kasta oo loo baahdo la xidhi karo, iyadoo loo marayo Shirkaddaha Isgaadhsiinta.

Qaraarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo aanaan wali helin Nuqul ka mid ah ayaa waxa warkan noo xaqiijiyey Mulkiilaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Waa markii koowaad ee ay Xukuumadda Somaliland talaabo noocan oo kale ah qaado, haddii ay fushana waxay noqonaysaa in ay si sahal ah u xidho Mareeg kasta oo ku talaabsata warar aan loo baahnayn.

Si kasta ha ahaatee, Mareegta Haatuf ay ku leedahay barta Internet-ka ayaa wali shaqaynaysa.

 



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com