Wasiirka Madaxtooyada oo khudbad Qiimo badan ka jeediyey Shir Gogol Nabadeed Ah Oo Ka Furmay Magaalada Caynaba

0
Sunday August 16, 2015 - 10:12:25 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo khudbad Qiimo badan ka jeediyey Shir Gogol Nabadeed Ah Oo Ka Furmay Magaalada Caynaba

    Shir lagu xoojinaayo nabad galyada ayaa ka furmay xarunta Gobolka Saraar ee Magaalada Caynaba, shirkan oo ay furitaankiisi ka qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirkada, Xildhibaano culus oo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir lagu xoojinaayo nabad galyada ayaa ka furmay xarunta Gobolka Saraar ee Magaalada Caynaba, shirkan oo ay furitaankiisi ka qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirkada, Xildhibaano culus oo....

 ka socday Golaha Guurtida Somaliland iyo Saladiin waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiinti ka qayb gashay. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan oo qoraal uu ku baahiyay bartu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com kaga hadlay shirkaas wuxuu hadalkiisi u dhignaa sidan.

caynaba

"Waxaa maanta si rasmi ah uuga furmay magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynabo gogoshii bog-xaadhadka ahayd ee loo dhigay beelaha walaalaha ah kuwaas oo mudo kahor shaqaaqo ku dhex martay Guumays.

Hadaba, jawiga saaka ayaa ku bilowday furitaanka shirkaas khayrka badan halkaas oo labada ardaaba si xilkasnimo badan uu soo xadireen iyagoo oofiyey balkii 21 cisho kahor aan kala qabsanay in la isugu imaado degmada Caynabo.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa tiro kamida golaha ku suntan gurmadka iyo guusha ee Guurtida iyagoo soo xulay xilkas aan rajaynayno in ay labadaas beelood dhexdooda ka islaaxiyaan nabad waarta oo caano badan "Idan Alle”.

Anaguna ka xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay marka guurtidu soo saarto go’aamo inaanu si degdeg badan u fulino isla markaana taabo-gelino.

Furitaanka shirka maanta oo ay igu wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Mud Cabdirazaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dib-U-Dejinta Mud Cali Saciid Raygal, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Gudoomiyeyaasha gobolada Sool iyo Saraar, Xildhibaano iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ayey dhamaantood xuseen qiimaha nabada iyo wada noolaashaha beelaha walaalaha iyo dariskaba ah.

Shirkan maanta ayaa imanaya kadib markii mudo 21 cisho kahor ah aanu balkan ku qabsanay degmooyinka Oog iyo Yagoori halkaas oo aanu ku balanay in aan ka xukuumad ahaan keeno tiro kamida golaha guurtida isla markaana si mugle loo lafaguro salka khilaafka si xal waara looga gaadho, waxaan Illaahay uuga mahad celinayaa in uu maanta na waajiyey in kulankaasi furmo labada dhinacna iyagoo nabada iyo horumarka hamuun badan u qaba ay goobta soo xaadiraan.

Insha Allah waxaa beri si rasmi ah xubnaha golaha guurtidu u gonda-deggi doonaan bilowga garnaqsiga iyo xaslinta nabad waarta

Wa Bilaahi Tawfiiq”