War Deg Deg ah: Masuliyiin kale oo ka Baxay Xisbiga WADANI iskana Casilay Xilalkii iyo xubinimadii Xisbigaas

0
Sunday August 16, 2015 - 11:49:57 in by salman abdi
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Masuliyiin kale oo ka Baxay Xisbiga WADANI iskana Casilay Xilalkii iyo xubinimadii Xisbigaas

    Farax cabdi dhoobaale oo ahayd xidhiidhiyaha jaamacadaha ee xisbiga wadani iyo hogaanka qorshaynta heer qaran ee xisbiga wadani ayaa shaaciyey in ay iskaga baxeen xisbiga wadani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farax cabdi dhoobaale oo ahayd xidhiidhiyaha jaamacadaha ee xisbiga wadani iyo hogaanka qorshaynta heer qaran ee xisbiga wadani ayaa shaaciyey in ay iskaga baxeen xisbiga wadani.



Sidaasna waxa ay ku sheegeen shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada hargeysa ayaa waxa ay xuseen in ay gabi ahaanba iska casileen.
'Waxa aan maanta halkan ka shaacinayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbigaasi, waana wax iska caadi ah in aad xisbi ku biirto ama iska casisho, waxaanan isaga casilay hadii ay reernimo noqoto oo aanu ka waynay ama waxyaabo kale oo aanu tirsanaynay.

runtii xisbigu waa in uu noqdo mid loo wada siman yahay, laakiin waxa ii muuqday in meel uun ay u badan tahay anaguna markii aanu ka waynay saamigii reerkayaga ayaanu iska casilay' sidaas waxa yidhi hogaanka qorshaynta heer qaran ee xisbiga wadani.

Dhinaca kale farax cabdi dhoobaale ayaa iyaduna xustay in ay iskaga baxday xisbigaasi "waxa aan cadaynayaa in aan Xisbiga Wadani oo aan u qaabilsanaa xidhiidhka jaamacadaha iskaga baxay, ka dib markii aan ka dhex waayay waxyaabo badan oo marka hore ee aan dibada ka joogay ii muuqday, sidoo kale waxa soo dedejisay is casilaadayda markii aan arkay in xisbigu aanu dhaafsiinayn reer keli ah ayaan is casilay" ayay tidhi Marwo Farax Cabdi Dhoobaale.