Magaalada Buuhoodle yaa Xukuma .Warbixin Xiiso Badan

0
Sunday August 16, 2015 - 15:45:11 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Buuhoodle yaa Xukuma .Warbixin Xiiso Badan

    Magaalada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Xaysimo ayaa waxa ku sugan kooxda Khaatumo ee u ololaysa Somaliwayn,taasi oo uu hoggaamiye ka yahay Prof Cali Khaliif Galaydh kaasi oo marar kala duwan booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Xaysimo ayaa waxa ku sugan kooxda Khaatumo ee u ololaysa Somaliwayn,taasi oo uu hoggaamiye ka yahay Prof Cali Khaliif Galaydh kaasi oo marar kala duwan booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.

Somaliland waxa ay ku doodaa inay xukunto deegaanka Buuhoodle iyo guud ahaanba wixii ka sokeeya xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland,halka dhanka kalena maamulka Khaatumo oo aan lahayn xarun iyo goob ay ku kulmaan uu sheegto inuu xukumo deegaanka Buuhoodle iyo gobolo kale oo ka tirsan Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh iyo Booqashada Magaalada Buuhoodle

Diyaarad nooca Xamuulka qaadda ah oo sidey Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne Galaydh iyo waftigiisa masuuliyiinta maamulka Khaatumo oo ku sugayey Garoonka iyo dadweyne tirabadan.

Haddaba munaasibadaassi waxa ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka iyo gudoomiyaha Buuhoodle ee taageersan maamulka Khaatumo

Prof Galaydh ayaa sheegay in hawlaha maamulkiisa horyaala ay si deg deg ah u fulin doonaan isagoo sheegay in dagaal iyo nabad mid kasta ay ku wajihi doonaan dhulka ka maqan maamulkiisa kaasi oo uu markaasi uga jeeday Somaliland oo ay colaadi muddo ka dhaxaysay .

Halkan ka daawo muuqaalka Madaxwyanaha Maamulka Khaatumo

Haddaba Waxa kale oo magaalada Buuhoodle ka degay wasiirka dawlada Federalka Somaliya u qaabilsan duulista iyo Hawda,wallow aanay imaashiyihiisa xukuumadda Somaliland ka hadal waxa uu halkaasi uga khudbadeeyay dadwayne taageersan midnimada Somaliya oo dhabarka ku haya Kooxda Khaatumo.

Wasiirka Duulista Somaliya iyo Magaalada Buuhoodle.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Dawlada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jengali) ayaa markii uu ka degay magaalada Buuhoodle waxa uu sheegay inuu baahiyaha deegaanka Buuhoodle wax ka qaban doono isagoo sheegay in dhibaato lagu hayo dadka deegaanka Buuhoodle ku nool kuwaasi oo uu sheegay inay raadinayaan midnimadii Somaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka Wasiirka Duulista Somaliya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Buuhoodle.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa May 4, 2014 booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle halkaasi oo lagu soo dhaweeyay ,waxaanu maalintaasi khubad u jeediyay dadwaynaha ku dhaqan deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu dadkaasi u sheegay in deegaankani dib u dhac badani ka muuqdo.

Halkan ka daawo Khubaddii Wasiir Xaglotosiye ee magaalada Buuhoodle

Maamulka Puntland iyo Magaalada Buuhoodle.

Magaalada Buuhoodle waxa markale booqasho ku tagay wefti uu hoggaaminayo Madaxwyane ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camay kaasi oo ay dadka deegaanku ku soo dhaweeyeen magaalada Buuhoodle isagoo khubad ka jeediyay meel fagaare ah .

Halkan ka daawo Madaxwyane ku xigeenka Puntland iyo Buuhoodle.

Caleema saarkii Garaadka Buuhoodle Iyo Madashii Wajiyada Badnayd.

Jan 15, 2015, Xubno ka tirsan dawladda Somaliland oo uu hogaaminayay Gudoomiye Xigeenka golaha Wakiiladda Baashe oo ka qayb galayay xaflad lagu caleemo saarayay Garaad, kana dhacday Buuhoodle.

Munaasibad lagu caleema saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo dhacday maalin khamiis ah kana dhacday Buuhoodle, isla markaana ahayd mid dhaqan, waxa ka qayb galay wufuud ka kala socotay, Somaliland, Soomaaliya iyo Kililka Shanaad ee Itoobiya, kuwaasoo isugu jiray siyaasiyiin xilal ka haya dhinacyadaa, qaar aan ka hayn, madax dhaqameed .

Dhinaca Xukuumadda Somaliland waxa laba maalmood ka hor maalinta caleema saarka halkaa gaadhay wefti uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye, kaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay Buuhoodle oo ah deegaanka uu ka soo jeedo. Qaybtii labaad ee weftigaa Wasiirka Caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Xigeenka Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Wasiir Xigeenkii wakhtigaa ee Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan,ayaa iyana ka daba tegay.

Dhinaca maamul goboleedka Puntlandna waxa ka yimi wefti uu hogaaminayay madaxweyne xigeenka maamulkaa, oo isna deegaan ahaan ka soo jeeda Buuhoodle, dhinacyada kale ee kililka shanaad iyo koonfurta soomaaliyana weftiyo ayaa la sheegay inay ka yimaadeen. Masuuliyiinta dhinaca Somaliland waxa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye, maamul goboleedka Puntland madaxweyne ku xigeenka, kooxda Khaatumona Madaxwayne ku xigeenkooda.

Halkan ka daawo Khubaddii Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Magaalada Buuhoodle ayaa waxa is is daba joog ah u taga Weftiyo kala duwan oo ka kala socda Somaliland,Puntland iyo Somaliya,iyadoo shacabka ku dhaqan deegaankaasi Wefti kastaba taageersan yahay.

Booqashada Maanta ee Wasiir Xaglatoosiye iyo Buuhoodle

Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa 16 August 2015 si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle. Socdaalka wasiirka ayaa lala xidhiidhinayaa sidii aanu degaankaasi saamayn ugu yeelan lahayn Hogaamiyaha kooxda Khaatumo oo isna ku sugan degaanka Buuhoodle kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu halkaasi soo gaadhay.

 

Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay weftiga Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanku kaga hor tageen degaanka Kalshaale oo 35km u jira magaalada Buuhoodle oo markii dambe weftiga loo galbiyay.

 

Wasiirka oo bulshada hadal u jeediyay ayaa u laqimay sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in xukumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed.

 

Wasiirka caafimaadka ayaa tan iyo intii uu xukumadda Siilaanyo ka tirsanaa waxa bulshada degaannada bariga Somaliland kaga mahad sheegteen waxqabad adeegga caafimaadku ugu horeeyo, isagoo saamayn siyaasadeedna ku leh deggaannadaasi.

 

Magaalada Buuhoodle ayaa waxa hadda ku sugan Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State iyadoo dhawaan lagu soo dhaweeyay magaaladaasi,halka dhanka kalana todobaadkii hore uu ka degay magaalada Buuhoodle Wasiirka duulista iyo hawada Somaliya.

Shacabka Ku dhaqan Buuhoodle

Shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle oo iskugu jira qaar kala taageersan Somaliland,Somaliya ,Puntland iyo Khaatumo iyo qaar kale oo Taageersan in la helo midnimo Somaliyeed ayaa wefti kasta ku qaabila Weji furan iyagoo ka dhagaysta Khubadaha loo jeediyo.

 

source: Tooshnews.net