Ururka IGAD Oo Teegeeray Doorashadii Jubbaland Ka Dhacday& Baarlamanka Muqdisho Oo Qaadacay iyo Ismandhafka ka aloosan

0
Sunday August 16, 2015 - 21:55:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka IGAD Oo Teegeeray Doorashadii Jubbaland Ka Dhacday& Baarlamanka Muqdisho Oo Qaadacay iyo Ismandhafka ka aloosan

    Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somalia Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadaayo cid waliba oo carqaladeysa Hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somalia Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadaayo cid waliba oo carqaladeysa Hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.

Maxamed Cabdi Afeey, ayaa sheegay in cid waliba oo isku dayda carqaladeynta Maamulka Jubbaland, farta lagu wada fiiqaayo sidoo kalena laga qaadaayo tallaabo Wadajir ah.

" Geeddi-socodkaan wuxuu nooga dhigan yahay anagga iyo guud ahaan Soomaaliya, shakhsi u dhashay Jubbaland oo xoog wax ku qaadan kara inuusan jirin. Sidoo kale Shakhsi u dhashay Jubbaland oo intuu qabiil soo abaabulo qoryo soo qaata shacab ku layn kara inuusan jirin.”Ayuu yidhi Afey.
Wakiilka IGAD ee Somalia ayaa sidoo kale sheegay ninkii doonaayo inuu Hogaamiyo Maamulka Jubbaland in laga rabo inuu ogolaansho ka haysto Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
" Ninkii raba inuu hogaamiyo Jubbaland waa inuu ogolaansho ka helaa Barlamaanka Jubbaland sida Axmed Madoobe. Haddii aad ka weyso oo aad isku daydo inaad majo xaabiso oo aad dhibaatayso hade waa far fiiqan tahay.” Ayuu Warkiisa sii raaciyay Afeey.
Isaga oo hadalka siiwata Maxamed Cabdi Afeey, ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ka baxay KMG oo hada uu yahay Maamul dhameystiran.
" Waxaan codsanayaa anigoo ku hadlaya magaca IGAD in marqaati laga noqdo inay Jubbaland ka baxday kumeel gaarnimadii una gudubtay maamul rasmi ah, maadaama heshiiskii lagu galay Adis ababa uu dhigayay in labo sano kadib doorasho la qabto si uu maamulku uga baxo kmg,”ayu yidhi Afey.
Amarkan ayaa yimi kadib markii Guddiga Arimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Somalia, ay sharcidaro ku tilmaamay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Daahir Amiin Jeesoow Guddoomiye Ku xigeenka Guddigaasi, ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo aysan aheyn doorasho, balse ay tahay wax Bulshada Jubbooyinka lagu qaldaayo.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay Wasaarada Arimaha Gudaha inay ka sugayaan go’aanka ku saabsan doorashadaasi, maadaama Xildhibaanada Jubbaland kol hore ay kala direen sharci ahaanshahooda Baarlamaanka Dhexe ee dalka.
"Baarlamaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe doortay iyaga ayaan sharci aheyn maxay doortaan Madaxweyne,marka waxaan soo jeedin lahaa in aan la qaldin dadka Nabada iyo Hormarka iyo Dowladnimada Jecel ee Jubbooyinka ku nool.” Ayuu yidhi Jeesow oo la hadlay Warbaahinta.
Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa Doorashadaasi ku tilmaamay mid sharcidaro ah oo aanan waafaqsaneyn Dastuurka dalka u yaallo, maadaama dadka Goboladaasi dega aysan u dhameyn doorashada.
Xarunta Caymiska ee Magaalada Kismaayo ayaa shalay lagu doortay Axmed Madoobe oo ay la baratamayeen Afar Musharax, Axmed Madoobe wuxuu helay 68 cod oo kaga guuleysto musharaxiinta kale.
Ilaa hada Doorashadaasi waxaa soo dhaweeyay IGAD, Iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo xulafaysi siyaasadeed kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland.

Contact@afkashacabka.com