Wiil Uu Dhalay Hoggaamiyihii Al-qaacida Osma Bin Laden Oo Fariin Uu Soo Diray Ku Hanjabay Werar Lagu Qaado London.

0
Monday August 17, 2015 - 09:16:00 in by salman abdi
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Uu Dhalay Hoggaamiyihii Al-qaacida Osma Bin Laden Oo Fariin Uu Soo Diray Ku Hanjabay Werar Lagu Qaado London.

    Wiil uu dhalay hoggaamiyihii shabakada Al-qacida ee Geeriyooday Osama bin Laden ayaa soo saaray farriin uu ku baaqayo in weeraro lagu qaado magaalada London iyo wadamo kale oo bahwadaag la ah Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil uu dhalay hoggaamiyihii shabakada Al-qacida ee Geeriyooday Osama bin Laden ayaa soo saaray farriin uu ku baaqayo in weeraro lagu qaado magaalada London iyo wadamo kale oo bahwadaag la ah Maraykanka.

Hamza bin Laden, oo la rumeysan yahay in uu ku jiro da’ada labaataneeyada ayaa la qiyaasayay in uu noqon doono qofka bedelaya Osama bin Laden uuna noqonayo hogaamiyaha ururka Alqaacida.

Fariintan oo la soo mariyay barta Twitterka ayaa waxa uu Hamza ku baaqay in la weeraro Maraykanka iyo wadamo kale sida magaalooyinka Washington,Paris iyo Tel Aviv, hase yeeshee fariintan ayaan lagu soo hadal qaadin ururka Is.Wiilkan uu dhalay Osama ayaa intii uu noolaa oo idil waxa uu ku dhex jirey dagaalada Jihadiga isagoo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan. Waxana hogaamiyaal badan oo Alqaacida ah ay doonayaan in uu noqdo Hamza noqdo hogaamiyaha ururweynaha Alqaacida.

Hamza bin Laden ayaa hogaamiyihii hore ee Alqaacida waxa uu ku baaqay in dagaalada jihaadiga ah laga soo wareejiyo magaalooyinka Kabul, Gaza iyo Baghdad loona wareejiyo magaalooyinka Washington,
Fariintan ayaa la rumeysan yahay in la soo duubay kahor bisha June ee sanadkan balse hadda la soo baahiyay.

Tan iyo markii Osama bin Laden ay ku dileen dalka Pakistan ciidamo Maraykan ah sanadkii 2011kii ayaa kooxda Alqaacida waxaa hogaaminayay Ayman al-Zawahiri kaas oo ahaa gacanta midgeed ee Osama.