Daawo: Markazka Imaamu shafici oo la midoobay jamacadda Al Najaax ayaa Abaalmarino guddoonsiiyey arday ka qalinjebisay Markazka

0
Monday August 17, 2015 - 15:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Markazka Imaamu shafici oo la midoobay jamacadda Al Najaax ayaa Abaalmarino guddoonsiiyey arday ka qalinjebisay Markazka

    Markaska Barashada Culuumta shareecada ee Imaamu shaafici ayaa Munasibad laba geesood ah ku qabtay Barxadda sare ee Xaruntiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaska Barashada Culuumta shareecada ee Imaamu shaafici ayaa Munasibad laba geesood ah ku qabtay Barxadda sare ee Xaruntiisa,
munasibaddaasi oo ay ku qalinjabinayeen ku dhowaad 120 Arday oo 80 kamid ahi Haween ahaayeen sidoo 
kalena markazku kula midoobayey jaamacadd islaamiga ah ee AL NAJAAX ee xarunteedu tahay magaalada Burco.

Munasibaddan ayay ka soo qaybgaleen Maamulka Gobolka iyo Degmada, Culimo awdiinta ugu waaweyn ee Gobolka, Waalidiin
Arday iyo marti sharaf kale, waxana faahfaahin ka bixiyey ujeedada munasibaddan Sh, yusuf maxmud diriye oo ah maamulaha
markazka imaamu shaafici iyo guddomiyaha jamacadda al najaax oo ah jamacadda uu markazkani hoos tegi doono ee ay midooben.
Dr. Faysal Maxmed Cali.

Xubno kamida culimadii iyo macalimintii madasha joogtay, guddonka waxbarashada ee gobolka iyo masuliyiinta gobolka
 iyo degmada burco oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa u duceeyey isla markaasna dhirigeliyey ardayda qalinjebisay
iyagoo sido kale soo dhoweyey midowga machadka iyo jamacadda.

Gebogabadiina waxa abaalmarino Kutub iyo hadyado kale isugu jirta la guddoonsiiyey 4ti arday ee ugu sarreeyey imtixanka
shahaadiga ah ee machadkaasi imaamu shaafici

Contact@afkashacabka.com