Daawo: Faysal Cali waraabe Muxu ka yidhi Joogitaanka Cali khaliif ee magaalada Buuhoodle iyo khilaafka ka taagan saluugga ay xildhibanada awdal ka mujiyen kuraasta golaha wakilada

0
Monday August 17, 2015 - 16:02:22 in by salman abdi
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Faysal Cali waraabe Muxu ka yidhi Joogitaanka Cali khaliif ee magaalada Buuhoodle iyo khilaafka ka taagan saluugga ay xildhibanada awdal ka mujiyen kuraasta golaha wakilada

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo ujeediyey Cali Khaliif Galaydh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo ujeediyey Cali Khaliif Galaydh.

Waxa uu la yaab ku tilmaamay in ninkaasi Muqdisho ka yimaado oo dagaal ka dhan ah Somaliland kaga baaqo Buuhoodle.
"Horta waa nasiib darro in nin weyn oo dhawr iyo todobaatan jir ah oo waliba tacliin sare oo heer Proffesor, ah sheeganaya inuu haddana umaddiisii dagaal ugu baaqo aad baan uga xumahay, waanan kala han weynaa arrintaasi, waxaanan u arkaa inay deel qaaf weyn tahay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlay hadal dhawaan Cali Khaliif ka soo yeedhay.

Eng. Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Reer Buuhoodle uma baahna maanta dagaal ee horumar ayay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxay u baahan yihiin caafimaad, dhaqaale ayay u baahan yihiin, markaa waxaan u arkaa inay Cali Khaliif sharaf darro u tahay, xagga aduun iyo xaq aakhiro toona uguma fiicna.”

Waxa uu Eng Faysal sheegay in bulshada Buuhoodle dib u dhac weyni ku dhacay "Dadka reer Buuhoodle waa dad caqli badan, dib u dhac weyn baa ku dhacay dhawr iyo labaatankaas sannadood ee Somaliland nabada ahayd oo degaannadii la midka ahaa horumarka gaadheen ee inkastoon wadanka la citiraafin haddana wixii loo gayn karayay loo geeyay, marka la barbar dhigo aad bay uga hooseeyaan, aduunkana dhaqaale iyo aqoon baa lagu tartami doonaa, markaa intuu maanta Xamar ka yimaado inuu dadkiisa wanaag ula iman lahaa uu yidhaa qoryaha qaata waa nasiib darro waxayna ku tahay ceeb,” ayuu yidhi Eng Faysal.



Contact@afkashacabka.com