Guddomiye Cirro oo ka hadlay Xaaladda Buuhoodle, Baaqna u Diray Shacabka Buuhoodle

0
Monday August 17, 2015 - 16:32:45 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo ka hadlay Xaaladda Buuhoodle, Baaqna u Diray Shacabka Buuhoodle

    Sidoo kale wuxu guddomiyuhu ka hadlay Dacwadda Loo Gudbiyay Maxkamada Sare Ee Muranka Muddo kordhinta .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale wuxu guddomiyuhu ka hadlay Dacwadda Loo Gudbiyay Maxkamada Sare Ee Muranka Muddo kordhinta .

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ,ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo sansaanka colaadeed ee horjoogaha kooxda khaatumo Cali Khaliif galaydh uu ka wado deegaanka Buuhoodle waxaanu sidoo kale fariin u diray shacbiga ku dhaqan deegaankaasi .Guddoomiye Cirro oo Saxaafada ugu waramayey magalada hargaysa ayaa waxa uu yidhi .

"Shacbiga reer Buuhoodle waa shacbi reer Somaliland ah magacuu doonaba ha sheegtee,Buuhoodlana gobolada Somaliland ayay ka mid tahay shacbi illaahay is baday oo ehel ah oo isku dada weeye waxaan u soo jeedinayaa cida faragalinta ku haysa ee meelaha kale ka timi inay faragalinta kala baxaan ”???????????????????????????????

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo sii wata hadalkiisii ayaa Fariin u diray shacbiga ku dhaqan deegaankaasi waxaana uu ugu baaqay inay nabd galyada ilaashadaan "waxaanan shacbiga u soo jeedinayaa in nabada laga wada shaqeeyo ,xasiloonida laga wada shaqeeyo nabaduna shacabkay dan u tahay maamul aan Somaliland ahayn kama shaqayn karo ,dadkasina waxay mudanyihiin in la tix galiyo oo tabashadooda la eego "ayuu yidhi Guuddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro oo wax laga waydiiyay dacwada ay ka garnaqayso Maxkamada sare ee la xidhiidha qabsoomida doorashada ayaa waxa uu yidhi
"Anagu go’aanka maxkamada wan ixtiraamaynaa iyadaana u madax banaan waxay soo saarayso ma odhan karo kii guurtiday soo saaraysaa go’aanku waa ka lasugayo waxanay ku haboon tahay in la sugo maadaama ay tahay halka ugu danbaysa ee bulshadu ku gar naqsanayso”
Gabagabadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddomiyaha Xisbiga Waddani ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay is diiwaan galiyaan una diyaar garoobaan doorasho xor ah oo dalkan ka dhacda
"Shacabka reer somaliland waan salaamayaa waxaanan leeyahay aynu u diyaar garawno diiwaan galinta iyo doorashada ba”