"Saxaafadu maalinta la xidhana waxay naga dhigtaan cagaf lagu jilaabto, maalinta wax loo dhiibana hoosta ayay dhigaan warkayaga" Xildhiban Cabdiraxman Xoog

0
Monday August 17, 2015 - 16:43:34 in by salman abdi
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saxaafadu maalinta la xidhana waxay naga dhigtaan cagaf lagu jilaabto, maalinta wax loo dhiibana hoosta ayay dhigaan warkayaga" Xildhiban Cabdiraxman Xoog

    Guddida Mus-dambeedka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa walaac ka muujiyay fur-furka ku yimi xisbiga Waddani....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Mus-dambeedka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa walaac ka muujiyay fur-furka ku yimi xisbiga Waddani....

 oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka baxeen saraakiil sarsare oo xilal muhiim ah ka hayay xisbiga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka mid ah gudida mus-dambeedka xisbiga WADDANI oo la hadlay warbaahinta  ayaa waxa uu xukuumadda ku eedeyey xagal daaca ku yimi xisbigooda oo si maalinle ah ay uga dareerayaan masuliyiintoodi,


Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog isaga oo ka hadlayay xubnihii ka baxay xisbiga WADDANI waxa uu yidhi "Waxay ahaayeen dad aan mabda’ lahayn, oo cilmi lahayn oo xirfad lahayn, waxaan leeyahay xukuummada xoogaaga lacagta ah ee aad dadka ka qaadaan ka daaya ha u isticmaalina furfurka xisbiga Waddani.Waxa xukuumaddu awooda saartay furfurka xisbiyadda , annaga waxba naga qaadi maysaan, ma nihin dad liig-liiganaya oo mudadu ku dheeraatay.” ayu yidhi

Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu si qaawan u weeraray warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha waxaanu yidhi "Xukuumaddu waxay bilowday inay laaluush iyo mustafayn inay siiso saxaafadda, haddii ay noqon lahayd Telefishan, jaraa’id iyo websayadii. lacag ayay la daba taagan tahay.”

"Saxaafadu maalinta la xidhana waxay naga dhigtaan cagaf lagu jilaabto, maalinta wax loo dhiibana hoosta ayay dhigaan warkayaga markaa waxa aan leeyahay saxaafadeey isku heli maysaan maalina noo hadla maalinta kalena inaad waxayaga aad hoosta dhigtaan.” Ayuu ku calaacalay Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog.



Xigasho: Dawan