Daawo:Wasiir Cukuse Oo Martiqaad Qado ah U Sameeyay Safiirka Jabuuti U Soo Magacawday Somaliland. +SAWIRO

0
Tuesday August 18, 2015 - 08:13:49 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiir Cukuse Oo Martiqaad Qado ah U Sameeyay Safiirka Jabuuti U Soo Magacawday Somaliland. +SAWIRO

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaradasi ayaa hadhimo Sharafeed lagu soo khatimay casuumadihii hore,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaradasi ayaa hadhimo Sharafeed lagu soo khatimay casuumadihii hore,

wuxuu ku qaabilay Safiirka dalka Jabuuti u soo magacawday inu u fadhiyo Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Cumar Xuseen.

Hadhimo sharafeedkan oo ka qabsoomay Huteelka Hanna, waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid ahayeen, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas, iyo Madax kale oo ay kamid ahayeen, Wasiirka xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha Aqlabiyada Golaha Wakiilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha debadda, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, oo ka hadlay martiqaadkaas wuxuu sheegay inay dalka Somaliland shacab iyo madaxdiisaba ay sharaf u tahay inay soo dhaweeyaan Safiirka dalka Jabuuti u fadhiyi doona Somaliland, sidoo kale Wuxuu Wasiir Cukuse tilmaamay inay farxad u tahay Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan bahda Saxaafadda inay iyagu yeeshaan casuumadi lagu soo khatimay martiqaadyadi lagu soo dhaweynaayay Safiirka, Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaaya xidhiidhka labada wadan waxa hadaladiisi kamid aha.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) markii xilka uu la wareegay 2010, booqashadisi ugu horeysay wuxuu ku tagay dalka Jabuuti oo la ogaa siduu Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele iyo dawladiisu ay iyana u soo dhaweeyeen, dalkii labaadna wuxuu aha Itoobiya marka waa illahay mahadii in maanta ay labada dalba Wakiilo iyo Safiiro ku leeyihiin Somaliland, waana talaabo guul u ah labada Madaxweyne iyo labada shacaba. "

Geesta kale wuxuu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) is dultaagay ahmiyada koobaad ee dalka Somaliland inay tahay aqoonsiga ay beesha caalamka iyo wadamada jaarka uga baahanyihiin, isagoo shaciyay in dalkay ugu jeclayeen inay Safiiro is dhaafsadaan uu yahay dalka Jabuuti, isagoo mahad ballaadhan u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, dhinaca kalena wuxu bogaadiyay waddanka Itoobiya oo isagu aha dalkii ugu horeeyay ee Wakiil u soo magacawda Somaliland.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, oo isna ka hadlay munaasibadii Casuumadda, ayaa u sheegay Safiirka Jabuuti in dalka Somaliland uu yahay dalkiisi oo lamid ah Jabuuti. Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir oo kamid aha madaxdii hadalka ka jeediyay goobta, ayaa faah faahin ka bixiyay ahmiyada weyn ee uu soo kordhin doono Xafiiska  uu Safiirka Jabuuti ka hawl galidoono ee Somaliland, isagoo tilmaamay inuu arrimo badan oo labada dal muhiimad u leh uu filin doono, kuwaas oo ay kamid yihiin is dhaafsiga ganacsiga, Fiisayaasha dal ku galka iyo xidhiidhka joogtada ah ee Siyaasadda.

cak4

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Maxamed Warsame ayaa isna sheegay in muraayada waddanka laga dheehdo ay tahay bahda Warfaafinta, sidaa daradeed uu safiirku u xushay inay iyagu soo khatimaan soo dhaweynihii loo samaynaayay.

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyidoona dalka Somaliland Cumar Xuseen ayaa isna si weyn uga mahad celiyay sida xamaasada leh ee dalka loogu soo dhaweeyay, wuxuu siweyn isu dultaagay walaltinimada labada shacab iyo labada dal ka dhaxaysa, geesta kale wuxuu ka dhawaajiyay in Xafiiskiisu soo kordhin doono qodobo wax tar mugweyn u leh labada waddan.

Contact@afkashacabka.com