Daawo:Madaxdii ugu sarraysay Xafiiska samafalka ee somaliland oo khilaaf Xileed Dhex maray iyo Eedaymo ay warbahinta isu mariyen

0
Tuesday August 18, 2015 - 09:46:05 in by Hargeysa Office
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxdii ugu sarraysay Xafiiska samafalka ee somaliland oo khilaaf Xileed Dhex maray iyo Eedaymo ay warbahinta isu mariyen

    "Waxaynu maqli jirnay KU QABSO KU QADI-MAYSIDE, laakiin imika waxay mareysaa in xitaa masabyadii uu Madaxwaynuhu Magacaabay la isku qabsado" Amina maxmud diriye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaynu maqli jirnay KU QABSO KU QADI-MAYSIDE, laakiin imika waxay mareysaa in xitaa masabyadii uu Madaxwaynuhu Magacaabay la isku qabsado" Amina maxmud diriye

Khilaaf aan xuduntiisa la ogeyn ayaa ka dhex qarxay Agaasimaha xafiiska Samo-falka ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, Aamina Maxamuud Diiriye iyo Madaxa Mashaariicda ee hay’addaasi, Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe, waxayna warbaahinta isku mariyeen eedaymo.

Agaasimaha xafiiska Samo-falka ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, oo shir jaraa’id ku qabatey Magaalada Hargeysa iyada oo aamisan in xafiiskeedu hoos-tago Madaxtooyada, inkasta oo uu Madaxweynuhu digreeto ku hoos-geeyay wasaaradda dib-u-dejinta ayaa Madaxa Mashaariicda ee xafiiskaasi ku eedeysay musuqmaasuq iyo wax is daba marin "Waxaynu maqli jirnay KU QABSO KU QADI-MAYSIDE, laakiin imika waxay mareysaa in xitaa masabyadii uu Madaxwaynuhu Magacaabay la isku qabsado, sidaa daraadeedna waxaan maqlay in ninkaasi (Siciid Cabdi Gaboobe) uu sheegtay inuu yahay Agaasimaha xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, oo digreetadii uu Madaxwaynuhu aniga igu magacaabay uu isagu sheegtay. Waxa kale oo aan ogaaday inuu samaystay Shaambaddii xafiiska…” ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay in saddex sanadood ka hor Siciid xafiiska looga eryey musuqmaasuq "Sababaha uu ninkaasi saddexda sanadood xafiiska kaga maqnaa, waa Khaladaad, foojari iyo been uu xafiiska ka sameeyay, been abuur uu ka sameeyay hay’adaha dibadda oo uu xidhiidh la sameeyay, waxaana lana soo gaadhsiiyey waraaqihii oo shaambadda xafiisku ku taallo, saddexdaa sanadoodna waanu u dul-qaadanayey…”
Laakiin, Madaxa Mashaariicda ee xafiiska Sama-falka Somaliland, Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe oo isaguna ka jawaabay eedaymahaasi, ayaa ku baaqey Alle ja cabsi iyo xishood "Qof dumar ah oo shir jaraa’id qabatey anigu waxba ka sheegi maayo, hablaha in la ixtiraamaa waa waajib, hadday igu qaldanteyna Alle ha saamaxo in badan bay I daba socotee. Sanadkii 2010-kii ayaa xafiiska Samafalka qaybtiisa Mashaariicda la igu magacaabay, Madaxwaynuhu bishii October ee 2012-kii ayuu xafiiska hoos-geeyay Wasaaradda dib-u-dejinta, labadaa sanadood hay’ado badan ayaa dalka ku soo xidhay, cidda hawsha waddeyna waa aniga uun, hadday tahay luuqadda Carabiga (maadaama oo aan in badan dalalka Carabta ku soo noolaa) iyo diyaarinta mashaariicda, adduunkuna wuu ogyahay, laakiin qof dumar ah oo guri-joog ahaan jirtay waxba ka sheegi maayo…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey "Waxba kama jiraan shaambaddaa (ay sheegtay in la foojariyeystay) maxaa la shaambadeynayaa anigaaba ka masuul ah hay’adaha qaybtooda Carabta’e..”
Sheekha oo sii hadlaya ayaa sheegay "Waxaan leeyahay hala xishoodo oo ILAAHAY ha laga baqo, waayo haddaan aniguna hadlo meesha waa lagu kala guuri, waayo nin walba Sir buu hayaa”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo afmeeray.