Saraakiil Sare Oo Kasocda Dekedaha Dalka Djbouti Oo Socdaal Indha-Indheyn ku Tagay Dekedda Saylac

0
Tuesday August 18, 2015 - 21:10:28 in by salman abdi
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Sare Oo Kasocda Dekedaha Dalka Djbouti Oo Socdaal Indha-Indheyn ku Tagay Dekedda Saylac

    Saraakiil Sare oo kasocdey Dowlada Djbouti kana mid ah Maareeyaha Dekeddaha Dalkaasi Abiibakar Cumar Xadi,ayaa socdaal indha-indheyn ah kusoo Gaadhey Dekedda Saylac ee Xeebta Galbeed ee Somaliland kadib markii ay socdaal dhinaca dhulka ah ugaga soo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Sare oo kasocdey Dowlada Djbouti kana mid ah Maareeyaha Dekeddaha Dalkaasi Abiibakar Cumar Xadi,ayaa socdaal indha-indheyn ah kusoo Gaadhey Dekedda Saylac ee Xeebta Galbeed ee Somaliland kadib markii ay socdaal dhinaca dhulka ah ugaga soo gudbeen dalka Djbouti.

 
Socdaalka Maareeyaha Dekeddaha Dalka Djbouti,Abiibakar Cumar Xadi iyo xubnaha socdaalkan ku wehelinayey ay kusoo Gaadheen Degmada Saylac iyo Dekedda kooban ee Saylac,ayaa ujeedadiisu daarneyd Caawimo iyo gacansiin Dowlada Djbouti ku kaalmeyneyso dalka Somaliland taas oo dib u habeyn loogu sameynayo,Dekedda Saylac iyo Dekedda weyn ee Berbera,waxaana xubnaha wehelinayay kamid ahaa khubaro injineero ah oo qiimayn ku samayn doona waxyaabaha laga qaban karo Dekedda Saylac.

 
Maareeyaha Guud ee Dekeddaha Dalka Djbouti Abiibakar Cumar Xado oo socdaalkiisa kadib warbaahinta lahadley ayaa, sheegayin Ka Dowlad ahaan damacsan yihiin in ay Somaliland wixii awoodooda ka caawin doonaan Dekedda Saylac.
 
Ma aha markii u horeysay oo Masuulyiin ka socda Dowlada Djbouti ay socdaal noocan oo kale ah kusoo gaadhaan Dekedda Saylac iyo Gobolkaasi Salal iyagoo, marar badan Magaalada Saylac kusoo gaadhey socdaal guluf ah oo caawimo kooban Djbouti ugu deeqayso Degmada Saylac ee la dariska ah dalkaasi Djbouti.


Contact@afkashacabka,com