Madaxweyne Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti U Soo Magacawday Dalka Somaliland.+Sawiro

0
Tuesday August 18, 2015 - 21:18:54 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti U Soo Magacawday Dalka Somaliland.+Sawiro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacawday dalka Somaliland, Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacawday dalka Somaliland, Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye.


imageimage

Kulankaas waxaa Safiirka iyo Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil ( Saylici), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Silaanyo ayaa danjiraha Jabuuti u sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay dalkiisi hooyo, isagoo ka sheekeeyay tariikhda dhalasho ee labada shacab wadagaan.

Geesta kale wuxuu Madaxweynuhu uga mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mud. Ismaciil Cumar Gelle soo magacaabida Danjiraha u fadhiyi doona dalka Jabuuti waddanka Somaliland.

imageimage

Geesta kale markii Madaxweynaha iyo Safiirku dhammaaday, waxa hadhimo sharafeed casuumad ah u sameeyay Safiirka Jabuuti, Wasiirka Madaxtooyadda Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan, taas oo qayb ka ahayd soo dhawaynaha loo sameynaayay Danjire Cumar Xuseen Kawaaliye.



Contact@afkashacabka.com