Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Casuumad Qado sharaf ah u sameeyey Safiirka Djibouti u soo magacawday Somaliland

0
Wednesday August 19, 2015 - 09:08:55 in by Hargeysa Office
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Casuumad Qado sharaf ah u sameeyey Safiirka Djibouti u soo magacawday Somaliland

    Dhinaca kale Wasiirka oo Qoraal kooban soo Geliyey Bogga uu ku leyahay Facebook ayaa ka dareen celiyey Sooryada uu u sameeyey safiirka Djibouti ee Somaliland Waxanu qoraalkaasi ku yidhi Sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kale Wasiirka oo Qoraal kooban soo Geliyey Bogga uu ku leyahay Facebook ayaa ka dareen celiyey Sooryada uu u sameeyey safiirka Djibouti ee Somaliland Waxanu qoraalkaasi ku yidhi Sidan:
Sooryo Sharafeed aan ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawlada Jabuuti u soo igmatay Somaliland
++++++++++++++++++++++++++ ++++++++++++++++++++++

Waxaa mudooyinkii u dambeeyey isa soo tarayey xidhiidhka sii adkaanaya ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka iyo kuwa dunidaba taasi oo muftaaxeedu yahay bisaylka badan ee shacabka iyo dawlada Somaliland ku hanatay indhaha iyo quluubta dunida aynu ku noolnahay

Sidaasi si lamida ayey dawlada Djibouti iyadoo ka duulayso arimahaas ayey dhawaan u soo magacowday Mudane Xuseen Cumar Kawaaleeye in uu noqdo safiirka dawlada Jabuuti u fadhiyi doonaa Somaliland horayna u ahaan jiray ku xigeenka golaha barlamaanka ee dawlada Jabuuti, kaasi oo aan rajo badan ka qabo in uu noqon doono mid wax badan ka tara adkaynta xidhiidhka labada dal ee dariska ah.

Hadaba, aniga oo muujinaya soo dhawaynta gobonimo ee lagu yaqaano Somaliland isla markaana ogsoon qiimaha ay leedahay in ay Somaliland yeelato xidhiidho dimplomasiyadeed ayaan sooryo sharafeed ku qaabilay Safiirka cusub ee dawlada Jabuuti u fadhiyi doona Somaliland halkaas oo aan isla gorfaynay taariikhda dheer ee ka dhaxaysa labada dal.

Safiirka ayaa dhankiisa cabiray sida uu ugu faraxsan yahay in loo soo igmado dal ay diin ahaan iyo dhaqan ahaanba wadaagaan sidoo kalena xusay horumarka badan ee dawlada Somaliland iyo shacabkeedu ku talaabsadeen.

Ugu dambayn qado sharaftan ayaa ku soo idlaatay jawi farxadeed iyo soo dhawayn gobonimo.

Wa Bilaahi Tawfiiq