Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo markii u horeysay ka hadlay Loolanka ay warbaahintu sheegtay inu ka dhexeeyo isaga iyo wasiirka Duulista Muxu se yidhi?

0
Wednesday August 19, 2015 - 21:26:57 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo markii u horeysay ka hadlay Loolanka ay warbaahintu sheegtay inu ka dhexeeyo isaga iyo wasiirka Duulista Muxu se yidhi?

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa markii ugu horeysay warar xaqiiqda ka fog ku tilmaamay inuu kaanbayn ku jiro, sidoo kale wuxu Wasiir Xirsi maalinteeda iyo talada wagaas u riixay wuxuu yeeli doono Mustaqbal ahaan Sila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa markii ugu horeysay warar xaqiiqda ka fog ku tilmaamay inuu kaanbayn ku jiro, sidoo kale wuxu Wasiir Xirsi maalinteeda iyo talada wagaas u riixay wuxuu yeeli doono Mustaqbal ahaan Silaanyo dabadii. Wasiirka Madaxtooyadda oo war baahinta ugu waramaayay Garoonka diyaaraha maruu ku sii jeeday uu dhinaca dalka Itoobiya ugu baxay wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.


"Waxaan maanta u baxyaa safar gaaban oo aan ku tagayaa Magaaladda Addis ababa, waxaa igaga horeeya Wasiirki arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis, ballan baanu ku leenahay dalka Itoobiya oo Wasiiro ayaanu kula kulmi doono sida Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka hawlaha Guud, wasiiradaas oo aanu ka wada hadli doono Mashruuci Berbera Koridhoor iyo wadadii iyo qorshaheedi, taas oo shirarkeedu muddo dheer socdeen waxaana laga yaaba in aanu dhakhso u soo noqdo haddii alle idmo”.

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay inuu sharaxanyahay iyo in kale Madaxweyne Silaanyo debadii, wuxuu kaga jawaabay.

"Madaxweyne Silaanyo haddii aynu insha allaahu tacaala wakhtigaa gaadhno waxaa inaga xiga wakhti, waxaana la yidhaahda laba todobaad oo Siyaasad ahi waa wakhti dheer, wax dhici doono illahay ayaa og, maalintaas wixii jooga iyo ragga aanu siyaasadda wadaagno marka aan la tashado iyo dabcan Madaxweynahayga oo kale aan la tashado ee wixii aan tallo wadaagno aan la tashado maalintaas ayaan sheegidoona waxaan yeeli doono, lakiin waxaad hadda i waydiisay waa wax aan joogin”. Geesta kale Wasiirka Madaxtooyadda oo markale ka jawaabaya su’aal ahayd waxa ka jira inuu shirar siyaasadeed oo hoose qabtay wuxuu kaga jawaabay.


"Waxaan filayaa rer Somaliland way i yaqanaan nin Kaanbayn guryo kula dhuun dhuunta ma ihi, hadaan olole galaayo waan cadeeya haddii aan Kaanbayn galana sanqadhaydu way wayntahay mana ihi dadka saamayntoodu yartahay. ” Ugu danbayntii Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka jawabaaya sul’aal kale oo u dhignayd inuu tartan ka dhaxeeyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo ay Golaha Wasiirada ku wada jiraan iyo inuu damac ka hayo jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu kaga jawaabay.

"Boqor Buurmadow hadad i waydiisay waxa hadalkiisa iga baxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa laysku hayaayo, aniga (Wasiirka Madaxtooyada) iyo Maxamuud (Wasiirka Duulista) Aniga iyo Maxamuud saxiib ayaanu nahay isma hayno, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isna anigu iminka uma sharaxni nin u sharaxan ma ihi, jagada Guddoomiyaha Xisbigana nin saxiibkay ahba hadda ku fadhiyo waa Muuse Biixi Cabdi, Marka anigu Guddoominimada kuma haysto dee isagaanu u dooranay oo waxaan ahaa dadkii Xisbiga doortay. Marka dee Boqorku waa nin kamid ah Madax dhaqameedka dalka qofkuna hadalku odhanaayo isagaa xaq u leh, arrinkuna marku yimaado siyaasad waxaynu u samaysanay Xisbiyo umaynaan samaysan reero, beeluhu waa waxaynu uga guurnay marka fagaarayaasha reeraha layskuma waydiiye Siyaasadda ayaa laysku waydiiya. 





Contact@afkashacabka.com