Daawo: Guddiga Mihnadlayasha Cafimadka oo soo Gebogabeeyey Kulamo iyo kormeero shaqo oo ay ku joogeen Burco Baaqna u diray Bulshada

0
Wednesday August 19, 2015 - 21:38:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Guddiga Mihnadlayasha Cafimadka oo soo Gebogabeeyey Kulamo iyo kormeero shaqo oo ay ku joogeen Burco Baaqna u diray Bulshada

    Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa soo gabagabeeyey Kormeero iyo kulamo shaqo oo ay ugu kuurgalayeen Xaaladda Dhinaca caafimaadka ee Gobolka Togdheer, iyagoo kulankii ugu danbeyey saaka la yeeshay Maamulka Gobolka iyo Degmada, Guddomiyas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa soo gabagabeeyey Kormeero iyo kulamo shaqo oo ay ugu kuurgalayeen Xaaladda Dhinaca caafimaadka ee Gobolka Togdheer, iyagoo kulankii ugu danbeyey saaka la yeeshay Maamulka Gobolka iyo Degmada, Guddomiyasha Maxkamadaha iyo Taliyasha Ciidamada,

waxana kulankaasi ugu horeynba ka hadlay Guddomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr, Axmed Xashi Oday iyo kuxigenkiisa Cabdiraxman Maxmed Axmed doodi, Waxayna ka codsadeen masuliyiintan ay la kulmeen inay kala shaqeeyan sugidda tayada dhakhaatiirta iyo goobaha caafimaadka ee Gobolka, iyago sido kale usoo jeediyey inaanay Goob dawladeed mooyee goobaha gaarka loo leeyahay bixin Karin rifeertooyinka dhaawac muujinta isla markaasna loo diro dadka dhaawacyadu so gaadhaan cisbitaalka burco, waxay kaloo masuliyiinta guddigani ka digeen Dad ay sheegeen in Dhakhtarnimo aanay aqoonteedi lahayn ay ku shaqaystaan oo dadka lacag badan kaga furta adeegga computerka oo Been ah, kuwaaso weliba u badan bay yidhaahdeen dadka ajaanibta ah iyo kuwo meelo kale ka yimi.

Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada, Gudomiyasha Maxkmadaha iyo Taliyaha Booliska ayaa u ballanqaaday inay kala shaqeyn doonaan waxyaabaha ay sheegeen oo dhan, taasoo muhiim u ah bay yidhaahdeen caafimaadka Bulshada Togdheer ee anu masuulka ka nahay, Waana markii u horeysay ee kormeer noocan ah ay ku yimaadaan guddigani gobolkaTogdheer

Contact@afkashacabka.com