Xisbiga Ucid Oo Soo Bandhigay Qodobada Ay Muhiim Tahay In La Fuliyo Si Ay Doorashadu Uga Qabsoonto Wakhtiga Maxkamadu Qabatay.

0
Wednesday August 19, 2015 - 22:03:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Ucid Oo Soo Bandhigay Qodobada Ay Muhiim Tahay In La Fuliyo Si Ay Doorashadu Uga Qabsoonto Wakhtiga Maxkamadu Qabatay.

    Mujaahid Cali Guray oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa xarunta dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey qodobo ay xisbiga Ucid u arkaan inay sahli karaan qabsoomida doorashada haddii si deg deg ah loo hir geliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Cali Guray oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa xarunta dhexe ee xisbiga Ucid ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey qodobo ay xisbiga Ucid u arkaan inay sahli karaan qabsoomida doorashada haddii si deg deg ah loo hir geliyo.

Mujaahid Cali Guray oo ugu horayn ka hadlaya go,aankii ka soo baxay maxkamada sare ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Go,aankaas ay soo saartay maxkamada dastuuriga ahi waanu ku qasbanahay inaanu u hogaansano hase ahaatee taas macnaheedu maaha inaanu ku kalsoonahay wakhtiga ay mudaysay maxkamada dastuuriga ah inay ku qabsoomayso doorashadu, haddii aan la helin sadex qodob oo aanaga noo ah udub dhexaad inay doorashadu ku qabsoomi karto wakhtigaas ay maxkamadu cayintay ee kama danbaysta ah oo aanu wal wal weyn ka qabno inay ku qabsoomi karo.”

 

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada ay u arkaan in la hir geliyo si ay doorashadu wakhtiga loo qabtay ugu qabsoonto waxanu yidhi "

"1. Waa in la soo dhamaystiraa dhamaan wixii shuruuc ah ee qabyo ah ee khuseeya doorashooyinka oo dhan wakhti ku haboon oo ay soo galaan gacanta guddida doorashada oo aanay jirin wax khuruuc ah oo ku danbeeya meel kale

2, Guddida doorashooyinku waa inuu curiyaa dhamaystiraana khariirada tubta loo marayo doorashada oo wadata qorshe hawleedyadeedii oo dhan, oo hawl kasta wakhtiga la qabanayo cida qabanaysa, waxa lagu qabanayo oo dhamaystiran ilaa maalinta la tagayo sanduuqa iyo warqada

3.Xukuukadani sidan ay hada tahay waxaanu u naqaanaa doorasho diid, sadexdii sanadood ee ugu danbaysay marka aanu eegno waxay doorashada ku ahayd hagardaamo, fursad walba oo ay doorasho ku qabsoomi karaysayna iyada ayaa masuul ka ahayd inay disho, waxaanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in la helo xukuumad lagu wada kalsoonaan karo inay dalkan gaadhsiin karto doorashooyin xor iyo xalaal ah wakhtiga ay maxkamada dastuuriga ahi cayintay.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid 



Contact@afkashacabka.com