Booliska Dalka Thailand Oo Dib U Furay Macbadkii Lagu Cibaadaysan Jiray Ee La Qarxiyay+Sawiro

0
Wednesday August 19, 2015 - 22:10:15 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Dalka Thailand Oo Dib U Furay Macbadkii Lagu Cibaadaysan Jiray Ee La Qarxiyay+Sawiro

    Booliska Thailand, ayaa waxay maanta dib u furayn wadooyinka soo gala macbadka Erawan shrine, ka gadaal qarax culus oo meel ku dhow lala beegsaday Isniintii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Thailand, ayaa waxay maanta dib u furayn wadooyinka soo gala macbadka Erawan shrine, ka gadaal qarax culus oo meel ku dhow lala beegsaday Isniintii.

Laamaha ammaanka, ayaa xiray macbadka iyo dhammaan wadooyinka soo gala hal habeen, sababo ku aadan iyadoo ay socdeen baaritaano ka dhan ah qaraxaasi iyo weliba cidii ka dambeysay.


Hay’adaha amniga, ayaa waxay baadigoob ugu jiraan nin dhalinyaro ahaa oo sawirkiisu ay Talaadadii baahiyen, loogana shakisan yahay inuu ka masuul ahaa qaraxan. Kaamirooyinka ku xiran wadooyinka soo gala halkaasi, ayaa waxaa laga arkaayay nin dhalinyaro ah oo mooto ku keenay qaraxa, xilli boorso madow uu ku soo qariyay, dhigayna meel dacalka ku haysa macbadkaasi.
Qaraxaasi, ayaa waxaa ku dhimatay 22 ruux, iyadoo in ka badan 100 kalana ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Ee Magaalada Bangkok.

haa1

Ra’iisal Wasaaraha Thailand, Prayuth Chan-ocha oo ka hadlaayay qaraxaasi, ayaa ku sheegay midkii ugu xumaa ee ebid ka dhaca Xarunta Wadanka Thailand Ee Magaalada Bangkok.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa cadeeyay laamaha amnigu inay ku mashquulsan yihiin baaritaanada cidii ka dambeysay. Waxa uuna ku hanjabay inay cadaaladda la tiigsanayan shakhsi kastaa oo lagu helo inuu ka masuul ahaa qaraxaasi.

haa3

Illaa iyo hadda ma jirtcid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sidoo kalana waxaan jirin cid gaar ah oo ay weli Xukuumadda Bangkok ku eedeysay qaraxa.

Contact@afkashacabka.com