WASIIRO SOMALILAND AH OO WADA HADAL KULA LEH JABUUTI GARAADO HORE U TAAGEERSANAA KHAATUMO

0
Thursday April 17, 2014 - 15:37:06 in by Super Admin
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRO SOMALILAND AH OO WADA HADAL KULA LEH JABUUTI GARAADO HORE U TAAGEERSANAA KHAATUMO

    Wasiiro ka tirsan Xukumadda Somaliland ayaa wada hadalo kula leh Magaalada Jabuuti Garaadka Beelaha Dhul bahante Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro ka tirsan Xukumadda Somaliland ayaa wada hadalo kula leh Magaalada Jabuuti Garaadka Beelaha Dhul bahante Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay ka ambabaxay Hargeysa ayaa Jabuuti ugu tagay Garaadka iyo xubno wehelinaya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya arimaha Barriga Somaliland ee aayaha Dadka Gobolada iyo bari ee uu metelayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Wararka hor dhaca ah ee Caynabanews ka helayso wada xaajoodka Somaliland iyo Garaad Jaamac ayaa sheegaya in Garaadku ka soo duulay Shalay Magaalada Muqdisho ka dib khilaaf kala dhex galay Kooxda Khaatumo oo hore uu u taabacsanaa, kuwaasi oo qaarkood Puntland ku biirayaan.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ahaa Madaxdhaqameedka ugu miisaanka culus ee taageersanaa Kooxda Khaatumo iyo Somalia. Wada hadalka ayaan la ogayn qodobada uu ka kooban yahay balse warar ayaa sheegaya in Garaadku uu Somaliland iman doono. Arintan ayaa la filayaa inay ka dambayso Gogol nabadeed oo Dadka degaanka Bariga Somaliland Madaxweyne Siraanyo u fidiyey.

Wasiirka Madaxtooyada, wasiirka Hawlaha guud iyo xubno kale oo shalay Hargeysa ka kici timay ayaan wax war ah siin warbaahinta. Weftiga ayaa weiyeyaal la kulmay u sheegay in arimo shaqsi ah ay Jabuuti u tagayaan.

Wadaxaajoodka Somaliland iyo madaxdhaqameedka hore Khaatumo u taageersanaa ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ciidanka Somaliland doraad gaadheen Xarunta Khaatumo looga talin jiray ee Taleex inkasta oo shalay dib uga soo laabtay. Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa dadka aasaasay Khaatumo ayaa isna la sheegay inuu taageersan yahay wada hadalka Somaliland iyo Garaad jaamac.




Afkashacabka.com

Djibouti /Office

Contact@afkashacabka.com