Cunaqabatayn Lagu Wado Dalka Sudan In Lasaaro Oo Ay Diyaarinayso Qaramada Midoobay iyo Dareenada Ku Xeran

0
Thursday August 20, 2015 - 13:35:41 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cunaqabatayn Lagu Wado Dalka Sudan In Lasaaro Oo Ay Diyaarinayso Qaramada Midoobay iyo Dareenada Ku Xeran

    Heshiis Laga Gaadho Dagaalka Kuunfurta Sudan Oo Loo Caal Waayay Iyo Qaramada Midoobay Oo Cunaqabatayn U Diyaarisay. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay loo gudbiyey qoraal qeexaya cunaqabateyn la saarayo dalka Sudaanta Koonfureed kadib ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiis Laga Gaadho Dagaalka Kuunfurta Sudan Oo Loo Caal Waayay Iyo Qaramada Midoobay Oo Cunaqabatayn U Diyaarisay. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay loo gudbiyey qoraal qeexaya cunaqabateyn la saarayo dalka Sudaanta Koonfureed kadib markii Isniintii lasoo dhaafay uu Madaxweyne Salva Kiir uu diiday inuu saxiixo heshiiskii nabada ee mudada dheer lasoo diyaarinayey.

Madaxweynaha Sudaanta Koonfureed Salva kiir ayaa sheegay inuu u baahan yahay 15 maalmood oo dheeraad ah oo lasiiyo si uu uga soo fekero saxiixida heshiiska, halka balantu ahayd in isniintii lasoo dhaafay ay dowlada iyo mucaaridka si wadajir ah u saxiixaan heshiiska ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka.

Hogaamiyaha Mucaaridka Riek Machar ayaa isagu isniintii saxiixay heshiiska.
 

Maraykanka oo kamid ahaa dalalkii dhex dhexaadinta ku jiray ayaa hada bilaabay inuu qoraal qabyo ah oo cunaqabateyn u qeybiyey xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu wado inuu dhawaan golahaasi cod u qaado cunaqabateynta la saarayo Sudaanta Koonfureed.
Weli macada cunaqabateyntan qaabka ay noqon doonto, balse Maraykanka oo awood kuleh Golaha Amaanka ayaa horey u sheegay in cunaqabateyn la saari doono madaxda dalkaasi hadii aysan nabadeynta ka qeyb qaadan, Midowga Afrika ayaa iyaguna horey u sheegay inay cunaqabateyn dhanka hubka iyo dhaqaalaha la saari doono dalkaasi. 


Contact@afkashacabka.com