Masul Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Inay Hurinayaan Rabshadaha Ku Soo Noq-noqda Xaafada Daami.

0
Thursday August 20, 2015 - 16:37:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masul Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Lagu Eedeeyay Inay Hurinayaan Rabshadaha Ku Soo Noq-noqda Xaafada Daami.

    Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay rabshadaha soo noq noqday ee xaafadda Daami Ee magaaladda Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay rabshadaha soo noq noqday ee xaafadda Daami Ee magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha Degmada 31 may ee Dawlada Hoose Hargaysa, Cabdilaahi Xasan Digaale, oo ka hadlay sida ay dawlad hoose ahaan uga hawl galeen rabshadaha ka dhacay Xaafadda Daami isla markaana ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo xaafadda degan.


"Waxa habeenadii u dambeeyay xaafada Daami ee maaalada Hargeysa ka socday rabshado u dhaxeeyay dhalinyarrada xaafadaasi wada deggan, khasaare badan ayaanay sababtay sida dhaawaca wiil dhaliyarro ah oo xabadii askartu ay haleeshay, meherado la boobay, guryo la jajabiyay, waxaanu ka galnay gurmad ka dowlad hoose ahaan oo uu na hor kacayay maayarka caasimada,wax dhibaato ah oo ka dhaxaysaa may jirin dhalinyarrada balse masuuliiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa abuuray fidnadan iyagoo dhaliyaradii beesha Gabooyo si khaldan wax ugu sheegaya oo ay ka dhaadhicinayaan in iyaga si gaar ah ay u bartilmaansanayso xukuumadda ,”ayuu yidhi sarkaalkaasi oo u waramay wargeyska DAWAN.
Cabdilaahi Xasan Digaalle oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray, "Waxaan caddaynayaa in xukuumadda Somaliland dadweynuhu ay u siman yihiin oo qolana aanay dhibaato la rabin, balse waajibaadkeedu yahay inay u adeegto dhammaan muwaadiniinta, waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa masuuliyiinta WADDANI ee sida guraca ah dhaliyarrada u kicinayaa inay ka waantoobaan dhibaatada ay ku abuurayaan dadka ay codka ka doonayaan oo ay siyaasad hufan la yimaadaan.”
Habeenadii u dambeeyay ayaa waxaa xaafadda Daami ee Caasimadda Hargeysa ka jiray rabshado u dhexeeyay kooxo dhalinyarro ah oo ka mid ah dadka Xaafada wada degan,rabshadaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan xubno siyaasiyiin ah oo xaafadda degan kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xigasho Dawan

Contact@afkashacabka.com