Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ka Badbaadey Shil Halis Ah Oo Baabuurkeedu La Galey Gaadhi Xaamulka Qaada

0
Thursday August 20, 2015 - 17:57:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Ka Badbaadey Shil Halis Ah Oo Baabuurkeedu La Galey Gaadhi Xaamulka Qaada

    -Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa, nasiib wanaag ka badbaadey Shil baabuur kadib Markii Baabuurkeeda gaarka ah iyo Baabuur weyn oo Xamuul ahi si xun isugu dhaceen Nawaaxiga Galbeed ee Huteelka Summer-Time inkastoo aan w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa, nasiib wanaag ka badbaadey Shil baabuur kadib Markii Baabuurkeeda gaarka ah iyo Baabuur weyn oo Xamuul ahi si xun isugu dhaceen Nawaaxiga Galbeed ee Huteelka Summer-Time inkastoo aan wax khasaare ahi soo gaadhin Dirawalkii iyo Askartii la socdey Baabuurkaasi.

 
 









Shilkan Baabuur ee Baabuurka Wasiirka Maaliyadu ku galey inta u dhexeysa Goolada Jigjigayar iyo iyo Huteelka Summer-Time ayaa ilaahay ka badbaadiyay dirawalkii iyo Askartii saarnaa Baabuurka maadaama ay dib ugu soo booday (Airback), oo ka badbaadisey halista shilka.
 


 
Waxaanay Labada Baabuur ee shilku ka dhex dhacey wakhti badan u xanibnmey Boqolaal Gaadiid ah kadib markii ay labada Baabuur isku gudbeen jidka Wadnaha iyadoo khasaare culusi wajahada hore kasoo gaadhey Baabuurka Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaaney dad goob joog ahi u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews in Baabuurka Wasiirku xoog usocdey si uu shaqada ugu soo qaado Wasiir Samsam haseyeeshee, uu si lama filaan ah ugu dhacey Baabuurka kale oo ahaa nooca Xamuulka oo qufulan.
 
Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee Noociisa ah ee ka gadhawaada Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan haseyeeshee, illaahay ka badbaadiyey, iyadoo Shilkii hore ee Baabuur kamid ah Waftigii la socdey ay ku geeriyoodeen Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Maaliyada Marxuum Wali Daa,uud,Sawir Qaade Marxuum Maxamed Daa,uud, iyo Askarigii, inkastoo Shilka maantu aanu khasaare laheyn balse uu kaa hore kaga duwan yahey Baabuurkii Wasiirka oo Shil Culus galey wakhrti aaney saarneyn baabuurkaasi.
 
 


Contact@afkashacabka.com