Madaxweynaha Somaliland Oo Dikreeto Ku Magacaabay Guddida Dib-uhabaynta Siyaasadda Dhulka.

0
Thursday August 20, 2015 - 19:41:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Dikreeto Ku Magacaabay Guddida Dib-uhabaynta Siyaasadda Dhulka.

    Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddida dibuhabaynta dhulka oo ka kooban 12-Wasiir. Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddida dibuhabaynta dhulka oo ka kooban 12-Wasiir. Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.


Taariikhda: – 20/08/2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu
digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay guddida Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir.

Digreetada madaxweynaha:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.

Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL