Masuliyiintii Xisbiga WADANI ee Gobolka SOOL oo Gebi ahaanba Ka Dareeray Xisbigaas kuna Biiray xisbiga kulmiye

0
Friday August 21, 2015 - 13:52:14 in by salman abdi
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuliyiintii Xisbiga WADANI ee Gobolka SOOL oo Gebi ahaanba Ka Dareeray Xisbigaas kuna Biiray xisbiga kulmiye

    Dhammaan Xubnihii maamulka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee gobolka Sool ayaa gabi ahaanba iskaga baxay xisbigaas, waxaanay si rasmi ah ugu biireen xisbiga tallada haya ee Kulmiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan Xubnihii maamulka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee gobolka Sool ayaa gabi ahaanba iskaga baxay xisbigaas, waxaanay si rasmi ah ugu biireen xisbiga tallada haya ee Kulmiye.

Munaasibad soo dhawayna oo loo qabtay masuuliyiinta ka soo digo rogtay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye oo lagu qabtay huteel Xamdi ee magaaladda Laascaanoodayaa waxa ka soo qayb-galay xubno ka mida golahadhexe ee xisbiga Kulmiye, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool iyo taageerayaasha xisbigaas.

Xubnahan xilalka sare ka hayay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbigaKulmiye ayaa kala ahaa guddoomiyihii gudida fulinta ee xisbiga Waddani ahna aasaasihii xisbiga Waddani ee gobolka Sool Prof C/raxmaan Xaaji Saalax, guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/laahi Digaale Cali, xoghayahihii degmadda magaalada Laascaanood Faysal CaliXirsi, Guddoomiyihii garabka haweenka ee gobolka Sool Ifraax C/laahi Xuseen, khasnajigii xisbiga Waddani ee gobolka Sool Hoodo Maxamuud Xasan.

Xoghayihii dhallinyarada ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/raxmaan C/laahi Faarax iyo xildhibaan Xamse Cabdi Sacad oo ka mid ah golaha deegaanka oo ka soo baxay ururkii umadda ee ku hadhay doorashadii golaah deegaanka.

Guddoomiyihii guddida fulinta ee xisbiga Waddani ee gobolka Sool C/raxmaanXaaji Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamayxisbiga Waddani mid beel qudha ku kooban isla markaana aanay umaddu u sinayn, waxaana uu yidhi"xisbigii Waddani ee aanu doonaynay inuu noqdo xisbi shacbigu u siman yihiin oo umadda hogaamiya, waxa laga dhigay xisbi beeleed, taana waxa kuu cadaynaysa habeenwalba sida looga baxayo.”

Khasnajigiixisbiga Waddaniee gobolka Sool Hoodo Maxamuud Xasan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay inay si rasmiya ugu soo biireen xisbiga Kulmiye, waxaana ay tidhi "anigoo ah khasnajigii xisbiga Waddani ee gobolka Sool waxa aan cadaynayaa in aan u soo digo rogtay xisbiga Kulmiye aniga oo maankayga iyo miyirkaygaba qaba.”

Sidoo kale xidhiidhiyaha dadweynaha ee xisbiga Kulmiye SaalaxMuxumed Idiris Shiine oo isaguna halkaasi hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ka xisbi ahaan taageerayaashan ku soo biiray, waxaana uu yidhi "xubnahan ka soo digo rogtay xisbiga Waddani ee ku soo biiray xisbiga Kulmiyeaad ayaan idiin soo dhawaynaynaa hadaanu nahay xisbiga Kulmiye.”

Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool ayaa waxa ay guddoonsiiyeen qalab sports kooxaha heerka koowaad ee magaalada Laascaanood.

Contact@afkashacabka.com