Daawo: Taageerayaal Tiro badan oo ku Biiray Xisbiga WADANI ee laascaanood iyago ka Baxay Xisbiga Kulmiye

0
Friday August 21, 2015 - 13:57:31 in by salman abdi
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Taageerayaal Tiro badan oo ku Biiray Xisbiga WADANI ee laascaanood iyago ka Baxay Xisbiga Kulmiye

    Munasibad Ballaadhan oo Xisbiga wadani ku soo dhoweynayey Taagerayashaas ay sheegeen inay ka soo baxen xisbiga kulmiye ayaa lagu qabtay Magaalada Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasibad Ballaadhan oo Xisbiga wadani ku soo dhoweynayey Taagerayashaas ay sheegeen inay ka soo baxen xisbiga kulmiye ayaa lagu qabtay Magaalada Laascaanood

Waxaana ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga Waddani, madax-dhaqameed, wax-garad, ganacsato, aqoonyahan, haween, dhallinyaro, taageerayaasha ku soo biiray iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga Waddani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba waxaa ay sheegeen in ay si niyad sami ah ay taageerayaasha isbedel doonka ah ugu soo dhaweynayaan xisbiga Waddani, waxaana ay carabka ku dhufteen xisbiga Waddani uu yahay madal ay si mug weyn ay u wadaagaan dhammaanba bulshada Somaliland isla mar ahaantaana aanu ahayn xisbi la kala leeyahay.

Ganacsato, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda waxaa ay iyaguna ku dheeraadeen sida xisbiga Waddani uu u hantay quluubta shacabka Somaliland sida oo kalena uu u yahay xisbiga qudha ee ay bulshada Somaliland ka saari kar marxaladda adag ee wadanku ku jiro una horseedi kara horumar, caddaalad, sinnaan iyo ictiraaf dhabba oo ay Somaliland bulshada caalamka kaga mid noqoto.

Ugu danbeyntiina taageerayaasha ku soo biiray oo iyaguna dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan xisbiga Waddani, waxaana ay tilmaameen in ay ku soo hungoobeen xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo ay sheegeen in uu ka been sheegay hadafkii iyo u jeedadii ay shacabka Somaliland u doorteen 2010kii, iyaga oo sida oo kalena dhaliilay siyaasaddiisa hoggaamineed ee dalka, waxaana ay tibaaxeen in ay ka deegaan ahaan si buuxda ay taageero hiil iyo hooba ah ula barbar istaagayaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.




Contact@afkashacabka.com