Daawo:"Waxaan filayaa reer Somaliland way i yaqanaan nin Kaanbayn guryo kula dhuun dhuunta ma ihi, haddii aan Kaanbayn galana sanqadhaydu way weyntahay"Wasiir xirsi

0
Friday August 21, 2015 - 14:46:01 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:"Waxaan filayaa reer Somaliland way i yaqanaan nin Kaanbayn guryo kula dhuun dhuunta ma ihi, haddii aan Kaanbayn galana sanqadhaydu way weyntahay"Wasiir xirsi

    Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa si saraaxad leh oo aad uga qoslisay wariyaashi su'aalaha waydiinayey wasiirka madaxtooyada uga jawaabay su'aalo ku saabsana hankiisa, iyo loolan la sheegay inu ugu jiro murashaxnimada hogaanka kulmiye iyo guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa si saraaxad leh oo aad uga qoslisay wariyaashi su'aalaha waydiinayey wasiirka madaxtooyada uga jawaabay su'aalo ku saabsana hankiisa, iyo loolan la sheegay inu ugu jiro murashaxnimada hogaanka kulmiye iyo guud ahaanba hogaaminta waddanka

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa markii ugu horeysay warar xaqiiqda ka fog ku tilmaamay inuu kaanbayn siyaasadeed ku jiro, sidoo kale wuxu Wasiirka Madaxtooyadu maalinteeda iyo talada wagaas u riixay wuxuu yeeli doono hankiisa Mustaqbal ee Silaanyo dabadii. Wasiirka Madaxtooyadda oo war baahinta ugu wara-maayay Garoonka diyaaraha Hargaysa, maruu ku sii jeeday dhinaca dalka Itoobiya oo safar shaqo ugu baxay wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.

"Waxaan maanta u baxyaa safar gaaban oo aan ku tagayo Magaaladda Addis ababa, waxaana halkaas igaga sii horeeya Wasiirki arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis, ballan baanu ku leenahay dalka Itoobiya oo Wasiiro ayaanu kula kulmi doono, sida Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka hawlaha Guud, wasiiradaas oo aanu ka wada hadli doono Mashruuci Berbera Koridhoor iyo wadadii iyo qorshaheedi, taas oo shirarkeedu muddo dheer socdeen waxaana laga yaaba in aanu dhakhso u soo noqdo haddii alle idmo”.

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay inuu sharaxanyahay iyo in kale Madaxweyne Silaanyo debadii, wuxuu kaga jawaabay.

"Madaxweyne Silaanyo haddii aynu insha allaahu tacaala wakhtigaa gaadhno waxaa inaga xiga wakhti, waxaana la yidhaahda laba todobaad oo Siyaasad ahi waa wakhti dheer, wax dhici doono illahay ayaa og, maalintaas wixii jooga iyo ragga aanu siyaasadda wadaagno marka aan la tashado iyo dabcan Madaxweynahayga oo kale aan la tashado ee wixii aan tallo wadaagno aan la tashado maalintaas ayaan sheegi doona waxaan yeeli doono, lakiin waxaad hadda i waydiisay waa wax aan joogin”. Geesta kale Wasiirka Madaxtooyadda oo markale ka jawaabaya su’aal ahayd waxa ka jira inuu shirar siyaasadeed oo hoose qabtay wuxuu kaga jawaabay.

"Waxaan filayaa rer Somaliland way i yaqanaan nin Kaanbayn guryo kula dhuun dhuunta ma ihi, hadaan olole galaayo waan cadeeya haddii aan Kaanbayn galana sanqadhaydu way wayntahay mana ihi dadka saamayntoodu yartahay. ” Ugu danbayntii Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka jawabaaya sul’aal kale oo u dhignayd inuu tartan ka dhaxeeyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo ay Golaha Wasiirada ku wada jiraan iyo inuu damac ka hayo jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu kaga jawaabay.

"Boqor Buurmadow hadad i waydiisay waxa hadalkiisa iga baxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa laysku hayaayo, aniga (Wasiirka Madaxtooyada) iyo Maxamuud (Wasiirka Duulista) Aniga iyo Maxamuud saxiib ayaanu nahay isma hayno, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isna anigu iminka uma sharaxni nin u sharaxana ma ihi, jagada Guddoomiyaha Xisbigana nin saxiibkay ahba hadda ku fadhiyo waa Muuse Biixi, Marka anigu Guddoominimada kuma haysto dee isagaanu u dooranay oo waxaan ahaa dadkii Xisbiga doortay. Marka dee Boqorku waa nin kamid ah Madax dhaqameedka dalka qofkuna hadalku odhanaayo isagaa xaq u leh, arrinkuna marku yimaado siyaasad waxaynu u samaysanay Xisbiyo umaynaan samaysan reero, beeluhu waa waxaynu uga guurnay marka fagaarayaasha reeraha layskuma waydiiye Siyaasadda ayaa laysku waydiiya.”