Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami Ee Caasimada Hargaysa Ayaa Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah

0
Friday August 21, 2015 - 19:39:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami Ee Caasimada Hargaysa Ayaa Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah

    Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami Ee Caasimada Hargaysa Ayaa Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah Rabshado maal-mahan ka socday Xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo sababay khasaare iskugu jiraa dhaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami Ee Caasimada Hargaysa Ayaa Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah Rabshado maal-mahan ka socday Xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo sababay khasaare iskugu jiraa dhaawac sahlan iyo mid Culus,

 kadib markii Kooxo dhalinyaro oo Xaafadda wada tirsani isku weerareen Aalaado iskugu jira Budhaadh, Mindiyo, Faashash iyo dhagxaan.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee uu salka ku hayo weerarkan gacanka hadalka ah, hase-yeeshe goob-joogayaal ka ag-dhowaa goobta shaqaaqadu ka dhacday, ayaa sheegay in Habeenimadii Xalay aanay rabshado badani ka dhacin halkaas, Balse xoogga Qul-qulatooyin ah oo Xalay dhacay uu ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah.

Wiilka ayaa sida wararka lagu sheegay dhaawaciisu yahay mid Fudud, isla markana lagu daweynaayo Cisbitaalka Guud ee magaaladda Hargeysa, sidoo kale, waxay goob-joogayaashu xusey Wiilkan dhalinyarada ahaa ee dhaawacu soo gaadhay inay Walaalo yihiin Fanaanka Maxamed Cige Busi. Hase-ahaatee ma jirto cid sii dhab ah u xaqiijineysaa arrinka.



Contact@afkashacabka.com