Wariye Lagu Dilay Koonfurta Suudaan, Ka Dib Hanjabaaddii Madaxwaynaha Dalkaasi U Diray Saxaafadda

0
Friday August 21, 2015 - 19:41:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Lagu Dilay Koonfurta Suudaan, Ka Dib Hanjabaaddii Madaxwaynaha Dalkaasi U Diray Saxaafadda

    Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa toogasho ku Dilay Wariye dalka Koonfurta Suudaan, ka dib markii uu Madaxweynaha dalkaas Salva Kiir uu ku Gooddiyay inuu beegsan doono Wariyeyaasha dalkiisa oo uu ku eedeeyay inay baahiyaan Warar dhan ah ka dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa toogasho ku Dilay Wariye dalka Koonfurta Suudaan, ka dib markii uu Madaxweynaha dalkaas Salva Kiir uu ku Gooddiyay inuu beegsan doono Wariyeyaasha dalkiisa oo uu ku eedeeyay inay baahiyaan Warar dhan ah ka dalka.


Wariyeyaal ay saaxiibbo ahaayeen wariyaha la dilay oo lagu magacaabo jiray, Peter Moi ayaa kusoo Ururay cisbitaalka uu maydkiisu yaallay, iyagoo ku Aasay Badhtamaha Xarunta Dalkaas ee Jubba.

Peter Moi ayaa noqonaya wariyihii Toddobaad oo lagu dilo Gudaha Dalkaas inta lagu jiro Sannadkan. Iyadoo Madaxa Ururka Suxufiyiinta South Sudan , Oliver Modi uu sheegay in dilkan uu ahaa mid si shirqool ah ku dhacay.

Moi ayaa ka Tirsanaa Wariyeyaasha Wargeys lagu Magacaabo New Nation kaas oo kasoo baxa magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Sudan, waxaana dabley ay ku dileen habeennimadii Khamiistu soo galaysay.

"Xorriyadda Saxaafaddu ma ahan inay ka shaqeeyaan wixii dalkooda dhibaato ku ah,” ayuu yidhi Salva Kiir oo Axaddii lasoo dhaafay ka hadlayay Wadahadalladii ay xukuumadda iyo mucaaradka dalkaas ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, markaasoo uu diiday inuu saxeexo Heshiiskii dagaallada ka socda Dalkaas lagu soo Af-jarayay, sida ay sheegtay hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Suxufiyiinta ee CPJ.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ay ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka dalkaas ay kasoo saareen dilka loo geystay wariyahan, iyadoo kooxihii dilka Wariyaha geystayna ay baxsadeen, cid sheegatayna aysan jirin.

"Maanta waxaa la dilay Peter Moi, berrina mid kale ayaa la dilayaa…” ayuu yidhi Modi oo intaas ku daray. "Waxaan Noqonaynaa kuwo loo Dili doono mid-mid. Tanina waa Arrin murugo badan.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka, John Kerry oo talefoonka kula hadlay madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa ka dalbaday in la baadho dhacdada, sida uu sheegay afhayeenka wasaaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kirby.

Shan wariye oo u shaqeynayay idaacadda ku hadasha Afka dowladda Wadankaas ayaa lagu dilay sannadkan gudihiisa weerar ka dhacay Gobolka Bahr al-Ghazal oo galbeedka dalkaas ku yaalla, kaddib markii ay weerar ku qaadeen gaadiid ay la socdeen oo millaterigu lahaa kooxo hubeysan oo aan la garanayn.

Wariyaha kale ayaa lagu Dilay Bishii May ee Sannadkan Gobolka Jonglei xilli ay dalkaas ka Socotay rasaas culus oo ay is-Weydaarsanayeen Kooxo Hubeysan oo iska soo horjeeda.


Ugu dambeyn, Hay’adda Wariyeyaasha aan Xuduudda lahayn ee ayaa Sheegtay in South Sudan uu yahay Waddanka 125-aad ee ugu xun 180-ka waddan ee xubnaha ka ah oo ay ka howlgalaan Suxufiyiinta. 



Contact@afkashacabka.com