Dawaladaha Kuuriyooyinka Oo Qarka U Saaran In Dagaal Ka Dhex Qarxo

0
Friday August 21, 2015 - 19:53:12 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawaladaha Kuuriyooyinka Oo Qarka U Saaran In Dagaal Ka Dhex Qarxo

    Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa amray in ciidamadiisa jiidda hore ku sugan ay dagaal isu diyaariyaan iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisadda colaadeed ee ka dhexeysa Koofurta Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa amray in ciidamadiisa jiidda hore ku sugan ay dagaal isu diyaariyaan iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisadda colaadeed ee ka dhexeysa Koofurta Kuuriya.

Ciidamada labada dal ayaa shalay madaafiic aad u culus isku dhaafsaday xuduudda labada dal ee shabaggu ku xeeran yahay, inkasta oo aan la sheegin wax khasaare ah.

Warbaahinta dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa baahisay in Mr Kim uu ku dhawaaqay kullan degdeg ah oo dagaal ka lagaga hadlayo.

Xukuumadda Pyongyang ayaa isticmaasha luqad aad u adag xilliyada ay isku dhacyadu ka dhexeeyaan Koofurta Kuuriya. Laakiin dadka wararka lafa-gura waxa ay sheegayaan in mar kasta halis ay tahay in dagaalka militariga ee labadan dal u dhexeeya qarxo, maadaama oo xaaladdu sii xumeyneyso.


Madaafiicda la isdhaafsaday shalay waxa ay bilowdeen kaddib markii Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaal ay uga jawaabeysay dacaayad ka dhan ah Shuuciyadda oo ay baahiyeen warbaahinta Kuuriyada kuwaas oo la mariyay sameecado aad u qeylo dheer. 




Contact@afkashacabka.com