Daawo: Sh. Aadan Siiro oo Nolosha Dadka Reer Somaliland kaga hadlay Khudbadii Jimcaha

0
Saturday August 22, 2015 - 08:35:24 in by salman abdi
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sh. Aadan Siiro oo Nolosha Dadka Reer Somaliland kaga hadlay Khudbadii Jimcaha

    Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa khudbaddii Jimcaha kaga hadlay nolosha shacabka reer Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa khudbaddii Jimcaha kaga hadlay nolosha shacabka reer Somaliland,

 waxaanu sheegay in dadku noqdeen dabaqado isla-markaana dadka qaarkood baahi daraadeed beerka u jiifaan, halka kuwo kalena hanti samaysteen.

Sheekh Aaden Siiro oo inta badan khudbadahiisa ku soo qaata arrimaha bulshada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka danyarta ah, ayaa khudbaddiisii shalay ku sheegay in dalka Somaliland uu ka bilaabmay nidaamka Hanti Goosadka, isla-markaana dadku kala dabaqo noqdeen.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Bulshada aynu ku dhex nool nahay iyo waddamada kale ee Muslimiinta waxa ka bilaabmay nidaamka HANTI GOOSADKA ee gaaladu hoggaamiso, ama inay dadku noqdaan dabaqado (In nolosha dadku kala sareyso), oo dadka qaarna doollarka (ay haystaan sida uu u badan yahay) inay cunaan iska daaye inay karsadaan, qaarna beerka dhulka ku hayaan (Baahi awgeed)….”

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la hir-geliyo qorshe qof kasta oo dadweynaha reer Somaliland ka mid ah lagaga qaadayo kun shilin bishiiba, si dhaqalaha halkaasi ka soo baxa mashaariic horumarineed loogu sameeyo dadka danyarta ah "Rasuulka waxa laga wariyey inuu yidhi ILAAHAY uma naxariisto midkaan dadka u naxariisan, wanaag kasta oo aad leedahay, cibaado kasta oo aad leedahay, macnaheedu waxa weeyaan Diintii maad fahmin, haddii aanad ahayn qof taban-taabiya oo soo dhaweeya dadka jilicsan….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Imika dhibaatada haysata dalka waxa ka mid ah ‘Talana keeni mayno, talana qaadan mayno’. imika waa 16 sanadood mashruuca ah waar kun shilin bixi oo badbaadi kumanaan faqiir oo Somaliland ku nool (ayaan ka hadlayey), mashruucaasi waa in bishii uu qof walba bixiyo kun shilin. Hargeysa waxa ku nool (qiyaas ahaan) Milyan iyo saddex boqol oo kun, lix boqol oo kun oo dadkaa ka mid ah oo min kun shilin bixiya bishiiba waa lix boqol oo Milyan oo Shilin, dollar ahaana waa ilaa $ 75000..”

Sheekh Aaden oo sii hadlaya ayaa sheegay inaan dad baahan lagu arkeen Somaliland haddii mashaariic lagu sameeyo lacagtaa min kunka shilin ah, haddii la hirgeliyo "Bal ka waran marka bishii ay soo xerooto $ 75000 ee mashruuc laga fikiray lagu sameeyo oo dadkaasi (baahan) ka shaqeeyaan, haddii intaa la wado 12 bilood, haddad aragto qof reer Somaliland ah oo baahi sheeganaya aniga I soo doono….” Ayuu yidhi, Sheekh Aaden Siiro.