Hargaysa:Odayaasha Xaafada Daami Oo Soo Af Jaray Shaqaaqaddii Xaafaddasi, Go,aan Hor Dhac Ahna Soo Saaray

0
Saturday August 22, 2015 - 08:57:21 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Odayaasha Xaafada Daami Oo Soo Af Jaray Shaqaaqaddii Xaafaddasi, Go,aan Hor Dhac Ahna Soo Saaray

    Shir Balaadhan Oo ay Iskugu Imaadeen Bulshada Ku Dhaqan Xaafadda Daami Gaar Ahaan Labaddii Dhinac ee Shaqaaqaddu ka dhex dhacday iyo Guddi 14 Xubnood Ka Koobnaa Laba Dhinac oo Ahaa Kuwaas oo ka hawl gallay Sidii ay Wax uuga Qaban Lahaayeen Shaqaaqada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Balaadhan Oo ay Iskugu Imaadeen Bulshada Ku Dhaqan Xaafadda Daami Gaar Ahaan Labaddii Dhinac ee Shaqaaqaddu ka dhex dhacday iyo Guddi 14 Xubnood Ka Koobnaa Laba Dhinac oo Ahaa Kuwaas oo ka hawl gallay Sidii ay Wax uuga Qaban Lahaayeen Shaqaaqada Soo Noqnoqatay ee Dhaawaca iyo Khasaaraha Sababtay.



Shir Balaadhan oo ay Gudiddu Shalay Khmaiistii iyo Maanta Jumcihii Ay Fadhiisteen ayaa waxa ay isku keeneen Garabyaddii Labada Dhinac ahaa ee Dhibtu ka dhex taagnayd iyo Odayaashii Xaafada Intoodii Xogogaalka ahayd.

Waxayna Maanta oo Jimce ahayd ay Gacanta Isku Saareen Soona Afjareen Khilaafkii Muddo Laba Sanadood ka dhex taagnaa Dhalinyarada Xaafadda Wada Degan.

Waxa Maanta La aas - aasay Laba Gudi oo Labada dhinac ee xaafadu u dhan tahay kuwaas oo Amniga kala Shaqayn Doona Bileyska.

 

Gudidda Odayaasha Xaafada ee Labada Dhinac oo Toban Xubnood ah iyo Gudiida Dhalinyarada oo Iyaguna ah 8 Xubnood Waxaana Liiska Gudiyada Labada dhinac ee Garabka Dhalinyarada ka odayaasha Lagu Iclaamin Doonaa Xaflad Berri Galab ka Qabsoomi Doonta Xaafadda Daami.

Ugu Danbayn Waxay Dhalintii Balan qaadeen inay Si wada Jir ah Amniga Uuga Shaqanayaan iyaga oo Gacmaha Laba Laba isku haystana ku soo Wareegan Dhammaan Xaafada Daami.

Liiskii Gudiddii Xalinta Ka Dhex Dhaliyay Dhalinta Xaafada DAAMI.

 

1.Sheikh Maxamed Aw Cali Shir Gudoonka.

2.Saleiban Ahmed Warsame Abaabulka Shirka

3. CommissionerLiban Ismacil Maxamud

4.Cumar Qawdhan Cabdi

5.Axmed Sheekh Abokor

6.Axmed Jamac Cabdi

7.Jamac Maxamed Muxed

8.Mubarik Ismaciil Nuur

9.Caaqil Daahir Maxamed Kaahin

10.Jamac Saleban Husein

11.Maxamed Libaax Shide

12.Ibraahim Jamac Saleebaan

13.Saxardiid Cumar Cabdi

14.Yssuf Cabdi Aaden


Contact@afkashacabka.com