Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo Muddo 20 sanno ah Deggenaa Malaysia oo ka soo Dhacay Dabaq Dheer

0
Saturday August 22, 2015 - 09:23:33 in by salman abdi
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo Muddo 20 sanno ah Deggenaa Malaysia oo ka soo Dhacay Dabaq Dheer

    Booliska dalka Malaysia ayaa baadhitaan ku haya geerida Marxuum 44-jir reer Somaliland ah oo galabnimadii Arbacadii la soo dhaafay ka soo dhacay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Malaysia ayaa baadhitaan ku haya geerida Marxuum 44-jir reer Somaliland ah oo galabnimadii Arbacadii la soo dhaafay ka soo dhacay...

 dabaqa 7-aad ee dhisme uu ka degenaa badhtamaha magaalada Kuala Lumpur.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Dr. Xuseen Maxamed Xaaji Xuseen Raabbi ayaa muddo 20-sano ka badan ku noolaa dalka Malaysia, isagoo heerkiisa waxbarasho ka gaadhay ilaa PHD.

Marxuumka oo aan la ogeyn in laga soo tuurey fooqa iyo in kale ayaa la sheegay in xilliga uu ka soo dhacay fooqaasi uu walaalkii uu hoosta dhismahaasi ku sugayey isaga, si ay isku raacaan, laakiin Marxuumka walaalkii ayaa ku war helay soo dhicistiisa, sida loo xaqiijiyey Wargeyska Somalilandtoday.

Geeridan naxdinta leh, ayaa sababta ay ku timid waxa baadhaya ciidamada booliska dalka Maleeshiya, maadaama oo aan ilaa hadda la ogeyn inuu si Alle uga soo dhacay dabaqa 7-aad iyo in la shirqooley oo gacan ka gardaran dishay.