Hargaysa:Wasaarada Qorshaynta Qaranka Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabishay Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr+Sawiro

0
Saturday August 22, 2015 - 15:21:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Wasaarada Qorshaynta Qaranka Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabishay Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr+Sawiro

    Wasaarada qorshaynta qaranka somaliland ayaa munaasibad soo dhawayn ah u samaysay aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr oo ka mid ah shaqaalaha wasaarada oo kaalinta koowaad u soo galay jaamacadaha dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada qorshaynta qaranka somaliland ayaa munaasibad soo dhawayn ah u samaysay aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr oo ka mid ah shaqaalaha wasaarada oo kaalinta koowaad u soo galay jaamacadaha dalka Turkiga.

Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr ayaa ka mid ahaa ardayda reer somaliland ee wax ka barata jaamacadaha dalka Turkiga, waxaanu mudadii uu kaalinta koowaad u galay jaamacadaha dalka Turkiga.






Munaasibada lagu soo dhawaynayey Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada qorshaynta iyo marti sharaf kale.

 


Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr waxaana hadaladisii ka mid ahaa "Aad ayey qiimo iyo sharaf noogu tahay hadaanu nahay bahda jaamacada Hargeysa inuu Aqoonyahan Khadar Maxamed ka marag kacayo waxqabadka iyo dedaalka jaamacada runtiina ilaahay ayaa mahad leh iyo waalidkii soo barbaariyey iyo macalimiintii wax soo baray, isagana waxaanu leenahay waad asiibtay goolkii ee ilaahay hakugu garab galo if iyo aakhiraba, Jaamacada Hargeysana waa jaamacada ugu weyn qaranka somaliland, waxaana dhigta in ku dhaw 6000 arday.”




Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cabdirashiid oo ka hadlay munaasibadan ayaa dhiniciisa kula dardaarmay guud ahaan ardayda somaliland inay han sare yeeshaan waxaanu yidhi "Wasaarada waxbarashadu waxay si gaar ah ugu faanaysaa oo ay soo dhawaynaysaa guusha uu soo hooyey Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr waanan ku faanaynaa baal dahab ahna waanu ku qori doonaa, waxaanan dhalinyarada leeyahay qof waliba waa halka uu hankiisa dhigo, waxaanad ku dedaashaan inaad han sare yeelaataan, ardayda noocaas ah ee guulaha waxbarashada ka soo hooyey dalalka horu maray taas oo ay ku kulmeen arday kala duwan oo meelo kala duwan wax ku soo bartay ardaydii halkan wax ku soo baratay inay dhaafaan waa wax aad loogu faano, waxaanan ku leeyahay halkaas haku joojin ee sii wad waxbarashada.”

Ugu danbayntiina wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey dawlada Turkiga ee fursada waxbarasho siisay jaamacada Hargeysa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxa Mahadnaq inaga mudan umada wadanka Turkiga iyo jaamacadii ina siisay fursadan wax barasho, waxa kale oo mahadnaq iska leh jaamacada Hargeysa iyo macalimiintii u dedaalay mudadii uu jaamacada dhiganayey, Aqoonyahan Khadar waxa uu yahay tusaale, waxaanay dhiiri gelin u tahay dhalinyarada inteeda kale sidii ay waxbarashada ugu dedaali lahaayeen, una aragto haddii qofku dedaalo inuu gaadhi karo meel kasta oo uu doonayo.”

Aqoonyahan Khadar Maxamed Gahayr oo munaasibadan ka hadlay ayaa dhinaciisa ka mahad celiyey munaasibadan lagu soo dhawaynayo ee ay wasaarada qorshaynta oo uu shaqaalaheeda ka mid yahay u qabatay, waxaanu ku dardaarmay in la sameeyo xarumo cilmi baadhiseed oo dalka wax badan u qabata.

Contact@afkashacabka.com